Jimco, March 23, 2007(HOL): Dagaal la isugu adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan ayaa maanta maalintii seddexaad waxaa uu ka dhacay magaalada Muqdisho, gaar ahaan nawaaxiga Kuliyaddii Jaalle Siyaad, halkaasi oo ay isku hor-fadhiyaan ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka iyo kooxo ka soo horjeeda oo kacdoonno wada.
Marka laga soo tago dagaalka aaggaas ka dhacay, magaalada inteeda kale waa ay degan tahay, walow ay dhaceyso rasaas goos-goos ah oo ay isku ridayaan labada dhinac. Dagaallada seddexda maalmood ka socday Magaalada Muqdisho ayaa waxay geysteen dhimashada dad lagu qiyaasay 30 ruux, halka ay ku dhaawacmeen dad kale oo 100 ruux kor u dhaafaya.
Magaalada Muqdisho dadkii deganaa badankood waa ay qaxeen, waxaana laga dareemayaa cidlo, iyadoo xaafadaha qaarkood aysan wax dhaqdhaqaaq ah lahayn, marka laga reebo dad yar oo weli guryahooda isku adkeynaya, kuwaasi oo qudhooda aan la ogeyn inta ay sii joogi karaan.
Dagaalka maanta dhacay ayaa wuxuu ku soo beegmay iyadoo habeenkii xalay ahaa ay Oday Dhaqameedyo ka tirsan Beesha Hawiye ay shaaciyeen in ay heshiis xabad-joojin ah la gaareen Saraakiil Itoobiyaan ah, kuwaasi oo ay isku af-garteen in ay dagaalka joojiyaan, Dowladda Federaalkana ay ka dul qaado ciidamada ay dul-geysay.
Si kastaba arrintu ha ahaatee, ilaa iyo haatan wax war ah oo heshiiskan ku saabsan kama soo bixin dhinaca Dowladda Federaalka, waxaana Dowladda Federaalka ugu war dambeysay iyadoo sheegeysa in uu si rasmi ah u bilowday howlgal ay nabadgelyada Magaalada Muqdisho ku sugeyso.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online






