8.5 C
London
Saturday, October 25, 2025

FIFA yey u aqoonsan tahay Madaxda Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta?

- Advertisement -spot_imgspot_img

Khamiis, March 22, 2007(HOL): Xiririka Kubadda Cagta Adduunka ee FIFA ayaa bogga uu Internet-ka ku leeyahay waxaa lagu soo daabacay xubnaha ay FIFA u aqoonsan tahay in ay madax ka yihiin xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta oo muddo labo bilood ah is-khilaafsanaa.

 

Magacyada cusub ee ay FIFA ku soo dhejisay Boggeeda ayaa waxay kala yihiin Saciid Maxamed Nuur (Saciid Muganbe) oo ay u aqoonsatay Guddoomiyaha Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta, Cali Saciid Guuleed oo Guddoomiye ku xigeenka Xiriirka ku qoran, halka C/qani Saciid Carab loo aqoonsaday Xoghayaha Xiririka Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta.

 

FIFA ayaa boggeeda fifa.com waxay ku soo dhejisay xubnahan cusub kadib markii ay isku dhaceen Guddoomiyihii Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed Muxyaddiin Xasan Cali Darba-weyne iyo xubnaha guddiga fulinta ee Xiriirka, kadibna ay xubnaha guddiga Fulinta iyo kooxaha Kubadda Cagta ee uu ku dhisan yahay Xiriirka Soomaaliyeed ay isku raaceen in ay xilkii guddoomiyenimada ka qaadaan Muxyaddiin Darba-weyne.

 

Sababta xilka looga qaaday Guddoomiyihii hore ayay xubnaha Guddiga Fulinta iyo madaxda Kooxaha Kubadda Cagta ku sheegeen in uu Muxyaddiin Darba-weyne ku tuntay xeerka u degsan Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta, isla markaana uu lunsaday lacag ku jirtay Qasnadda Xiriirka.

 

Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta oo madaxdiisa la soo doortay bishii May ee sanadkii hore ayaa isku dhacay iyagoo aan sanad gaarin, waxaana Xiriirka haatan si KMG ah guddoomiye uga ah Saciid Muganbe oo xilka sii heyn doona inta laga gaarayo doorashada soo socota ee  la qabanayo sanadka 2009-ka.

Halkan ka eeg Aqoonsiga cusub ee ay FIFA siisay

Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).