8.5 C
London
Saturday, October 25, 2025

Dagaallo Goos Goos ah oo Muqdisho ka socda

- Advertisement -spot_imgspot_img

Khamiis, March 22, 2007(HOL): Iyadoo ay degan yihiin goobihii ay shalay dagaallada ka dhaceen ayaa hadana waxaa meelo ka mid ah Magaalada Muqdisho laga maqlayaa rasaas yar yar iyo madaafiic ay isku ridayaan dhinacyadii uu u dhaxeeyay dagaalkii shalay.

 

Meelaha dagaalka goos goos ah uu ka socdo ayaa waxaa ka mid ah Kuliyaddii Jaalle Siyaad iyo xaafado ka tirsan Degmada Yaaqshiid, gaar ahaan nawaaxiga Hotel Ramadaan iyo Deegaanka Jamhuuriya.

 

Ilaa iyo haatan ma jirto rajo uu dagaalka Muqdisho ka socda ku istaagi karo, waxayna u muuqdaan dhinacyada uu dagaalka u dhaxeeyo in ay weli isu caaboon yihiin oo ay hanjabaado isu marinayaan Idaacadaha Muqdisho.

 

Dagaalkii shalay ka dhacay Magaalada Muqdisho ayaa waxaa la sheegay in ay ku naf waayeen dad ka badan 20 ruux, iyadoo ay sidoo kalena ku dhaawacmeen dad 80 ruux gaaraya, kuwaasi oo u badnaa dad rayid ah oo guryahooda iska joogay.

 

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ka hadashay dagaalka Muqdisho ka socda ayaa waxay sheegtay in uu dagaalka u dhaxeeyo Ciidamada Dowladda Federaalka oo kaashanaya Ciidamo Itoobiyaan ah iyo kooxo yar oo ay ku tilmaantay kuwo nabadda diidan, waxayna si rasmi ah shaaca uga qaaday in uu bilowday howlgal ay nabadgelyada ku sugeyso.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).