Khamiis,
Madaxweynaha oo xalay shir jaraa’id ku qabtay xarunta Madaxtooyada Villa
Xubnaha Guddigan ayaa waxaa ka mid ah C/raxmaan Cabdi Xusee, Maxamuud Jirde Xuseen, Axmed Shiikh Mukhtaar iyo Faarax Waceys Dhuulle, waxayna howshoodu tahay sidii ay u dhexdhexaadin lahaayeen shirka dib u heshiisiinta ah ee 16-ka bisha soo socota lagu qaban doono Magaalada Muqdisho.
Cali Mahdi Maxamed ayaa markii xilkaas loo magacaabay kadib waxaa uu sheegay in ay Dadka Soomaaliyeed ku jiraan dad ka caqli iyo karti badan, haddiise loo gartay xilkaas ay aqbaleen in ay shirkaas hoggaamiyaan intii karaankooda ah.
Shirka ay ku baaqday Dowladda Federaalka Soomaaliya ee loo ballansan yahay 16-ka bisha soo socota ee April ayaan weli la isku raacin cidda ka qeybgeleysa, inkastoo dowladda Federaalka ay sheegeyso in ay shirkaas ka qeyb-gelayaan wakiillo ka socda Beelaha Soomaaliyeed oo muddo dheer ay colaad u dhaxeysay.
Laakin Siyaasiyiin si weyn looga yaqaano dalka Soomaaliya oo dalka dibaddiisa iyo gudahiisa ku sugan iyo qaar ka mid beelaha Hawiye ayaa waxay qabaan fikir ah in shirkaas la isugu soo horfariisto qaab siyaasadeed, iyagoo sheegaya in aysan jirin colaad u dhaxeysa Beelaha Soomaaliyeed halka ay Dowladdana dooneyso in shirka qaab beeleed la isugu hor-fariisto.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online






