12.7 C
London
Friday, October 24, 2025

Dab Khasaare ba’an u geysay Bakhaar Rinjiga lagu keydiyo oo ku taala Suuqa Bakaaraha

- Advertisement -spot_imgspot_img


Arbaco,
March 21, 2007(HOL): Waxaa gebi ahaanba bas beelay oo wax laga ceymin waayay Bakhaar Rijniga noocyadiisa kala duwan lagu iibiyo oo ku yaala nawaaxiga Hotel Shaam ee Suuqa Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho.

 

Lama yaqaano waxa dhaliyay dhab ahaan dabkan baabi’iyay hantidii tiilay Bakhaarkan, waxayse dadka qaarkiis sheegayaan in waxyaabo qarxa ay ku soo dhaceen Bakhaarka, halka dad kalena ay leeyihiin in dabka uu ka dhashay gudaha Bakhaarka.

 

Ganacsato  aad u faro badan oo Suuqa Bakaaraha ka xamaasha, Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud iyo dadweyne aad u fara badan ayaa waxay dadaal ugu jiraan in ay dabkaas damiyaan, iyagoo ka hortegaya in uu dabka u sii gudbo bakhaaro kale  oo u dhow Bakhaarkii oo dabka ka bilowday.

 

Ma ahan markii ugu horeysay oo uu dab ka kaco qeybo ka mid ah Suuqa Bakaaraha oo dhowr horay u soo gubtay, inkastoo meesha uu Bakhaarkan ku yaalo ayasan ahayn gudaha Suuqa.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).