Arbaco,
Nabaddoon Axmed Diiriye Cali oo sheegta in uu yahay Afhayeenka Beelaha Hawiye ayaa sheegay in dagaalka Muqdisho ka socda uu u dhaxeeyo Dowladda Federaalka iyo Beelaha Hawiye, wuxuuna carrabka ku dhuftay in uu dagaalka bilowday kadib markii sida uu yiri uu Madaxweyne C/llaahi Yuusuf oo adeegsanaya Maleeshiyooyin uu Puntland ka keensaday uu weerar ku qaaday Beesha Hawiye.
Nabaddoon Axmed Diiriye mar uu ka hadlayay sida uu ku istaagi karo dagaalka Muqdisho ka qarxay ayaa wuxuu sheegay in uu dagaalka istaagi karo haddii maleeshiyooyinka Puntland laga keenay dib loogu celiyo halkii ay ka yimaadeen.
C/llaahi Shiikh Xasan oo isna ka mid ah Siyaasiyiinta Muqdisho, isla markaana ka soo jeeda Beesha Hawiye ayaa sheegay in dagaalka Muqdisho ka qarxay uu yahay mid u dhaxeeya sida uu u yiri Maleeshiyooyin Puntland laga soo uruuriyay iyo Dadka Muqdisho degan, wuxuuna tilmaamay in aan awood lagu muquunin karin Qabaa’ilka degan magaalada Muqdisho., isagoo dhanka kalena nasiib darro ku tilmaamay in haatan dib loo soo cusbooneysiiyo colaadihii dhinaca Qabiilka ee horay looga soo gudbay.
Dagaalka Maanta ka qarxay magaalada Muqdisho ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo maalintii shalay ahayd ay shir ku yeesheen Beelaha Hawiye Daarta Amal Plaza ee magaalada Muqdisho, kuwaasi oo shirkooda ka soo saaray qodobo ay ku eedeynayeen Dowladda Federaalka oo ay ku sheegeen in ay tahay mid dooneysa in ay xasuuqdo Dadka ku dhaqan Magaalada Muqdisho.
Nabaddoon Maxamed Cabdi oo ka mid ahaa odayaashii Kulankaas ka hadlay ayaa sheegay in ay dowladda soo dhaweynayaan haddii ay la timaado weji lagula shaqeyn karo, wuxuuna caddeeyay in ay gacmaha isula tegi doonaan haddii ay ka deyn weydo wax uu ugu yeeray xasuuq ay dadka Muqdisho ku heyso.
“Diyaar ayay u tahay Beesha Hawiye in ay la shaqeyso Dowladda Federaalka haddii ay jidka wanaagsan soo marto, haddiise ay u muuqato mid qabiil iyo aar-goosi wadda gacmaha ayaan isula tegeynaa”ayuu yiri nabaddoon Maxamed Cabdi oo ugu baaqay Ciidamada Shisheeye ee ku sugan Dalka Soomaaliya in ay dhexdhexaad ka ahaadaan xaaladda Soomaaliya, gaar ahaana caasimadda Muqdisho.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online






