12.7 C
London
Friday, October 24, 2025

Khasaaraha uu geystay Dagaalkii Maanta ka dhacay Magaalada Muqdisho

- Advertisement -spot_imgspot_img

Arbaco, March 21, 2007(HOL): Ku dhawaan 20 ruux oo isugu jiray dad rayid ah iyo Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwo Itoobiyaan ah ayaa ku geeriyooday dagaalkii maanta, waxaana ku dhaawacmay ilaa 65 ruux oo dhaawacooda la dhigay Isbitaallada Magaalada Muqdisho.

 

Dadka dagaalka ku dhintay waxaa ka mid ah 7 Askari oo ka mid ah Ciidamada Dowladda Federaalka, kuwaasi oo meydkooda lagu gubay Wadada 30-ka, gaar ahaan inta u dhaxeysa Isgoysyada Baar Ubax iyo Black Sea.

 

Dagaalaka maanta dhacay ayaa wuxuu ahaa dagaalkii ugu xooganaa ee ka dhacay Magaalada Muqdisho, tan iyo wixii ka dambeeyay markii ay Dowladda federaalka soo gaartay Xamar, xiligaasi oo ku beegneyd dabayaaqadii sanadkii tegay.

 

Marka laga soo tago dhimashada iyo dhaawaca uu geystay dagaalkan ayaa wuxuu dhinaca sababay bara-kac ku yimid dadka rayidka ah, waxaana maanta lagu arkayay waddooyinka magaalada Muqdisho dad aad u faro badan oo ka qaxayay madaafiicda iyo hubka waa weyn ee ay isku ridayaan labada dhinac ee dirirta u dhaxeyso, waxayna dadkaasi intooda badan u qaxayeen dhinaca Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

 

Dagaalka haatan waa uu socdaa, waxaana magaalada laga maqlay madaafiic waa weyn oo dadka si weyn u argagax geliyay, iyadoo madaafiicdaas waa weyn-na ay ka soo dhacayaan dhinaca ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Itoobiyaanka ah ee caawinaya.

 

Warar kale oo haatan naga soo gaaraya dhinaca wadada isku xirta Hotel Ramadaan iyo Ex-Koonarool Balcad ayaa waxay sheegayaan in uu sidoo kale halkaas dagaal ku dhexmarayo kooxo hubeysan iyo Ciidamada Dowladda Federaalka oo kaashanaya kuwo Itoobiyaan ah, iyadoo warar kalena ay sheegayaan in dhinaca Suuqa Xoolahana uu dagaal kale ka qarxay.

 

Wixii ku soo kordha Dagaalka Muqdisho ka socda waxaan idinkugu soo gudbin doonnaa wararkeena dambe haddii Alle idmo.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).