12.7 C
London
Friday, October 24, 2025

Askar Itoobiyaan iyo Soomaali isugu jira oo meydkooda lagu jiiday Waddooyinka Muqdisho

- Advertisement -spot_imgspot_img


Arbaco,
March 21, 2007(HOL): Kadib markii uu saakay dagaal xooggan oo u dhaxeeyay Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Itoobiyaanka ah oo isku dhinac ah iyo kooxo hubeysan oo ka soo horjeeda ayaa waxaa soo kordhaya khasaaraha dagaalkaas ka dhashay, iyadoo uu jiro khasaare labada dhinac ee dagaalamayay soo gaaray.

 

Dagaalka oo madaafiic xooggan la isugu adeegsaday ayaa markii uu cabaar socday waxaa lagu dilay Askar Soomaali iyo Itoobiyaan isugu jira, kuwaasi oo qaarkood medkooda lagu gubay inta u dhaxeysa Isgoysyada Baar Ubax iyo Black Sea, iyadoo meydka Askari Itoobiyaan ah oo aan anigu arkayna lagu jiidayay  meydkiisaWadada Wadnaha, gaar ahaan Isgoyska Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.

 

Dadka Muqdisho saakay waxay dib u soo xusuusteen dagaalkii Muqdisho ku dhexmaray Ciidamadii US/UNOSOM, xiligaasoo Askar ka tirsanaa Ciidamadii Rangers-ka Mareykanka lagu jiiday Waddooyinka Muqdisho, walow ay Ciidamadaas iyo kuwa haatan Muqdisho ku sugan ay ku kala duwan yihiin in kuwii UNOSOM ay ahaayeen kuwo Soomaaliya u yimid howlgal rajo soo celin ah, halka Ciidamada Itoobiyaanka ah iyo kuwa Midowga Afrika ee haatan Muqdisho ku sugan ay u joogaan howlgal nabad-sugid ah.

 

Dhanka kalena, wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya Dagaallada Muqdisho ka socda ayaa waxay sheegayaan in uu haatan dagaal xooggan ka socda nawaaxiga Hotellada Ramadaan, Guuleed iyo Shineemadii Puntland, iyadoo dagaalkaasina la sheegayo in uu u dhaxeeyo Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kooxo hubeysan oo ka soo horjeeda.

 

Dagaalka oo weli socda dartiis ilaa iyo haatan lama sheegi karo khasaaraha rasmiga ah ee dagaalkan ka soo gaaray dadka rayidka ah, hayeeshee akhristayaasheena waxaan u ballanqaadeynaa in aan u soo gudbin doonno khasaaraha ka dhashay dagaalka maanta Muqdisho ka socda.

Halkan ka daawo Muuqaalka

Askariga Itoobiyaanka ah oo la jiidayo

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).