12.7 C
London
Friday, October 24, 2025

Maamulka Gobolka Hiiraan iyo Guddiga Ganacsatada Gobolka oo ka wada hadlay Arrimaha Canshuur uruurinta

- Advertisement -spot_imgspot_img

Arbaco, March 21, 2007(HOL):  Kulan ay ku wada qaateen xarunta maamulka gobalka Hiiraan Xubnaha maamulka gobalka iyo waliba kuwa degmada ayaa sida wararka ka soo baxaya magaalada B/weyn ay sheegayaan waxaa looga wada hadlay arimo la xiriira sugida nabad-galyada iyo waliba qaadista caashuurta oo  marka la eego  aheyd arin ay isku diidanaayeen qeybaha ganacsatada iyo waliba Xubanaha maamulka gobalka.

 

Wararku waxaa ay sheegayaan in arimaha nabad-galyada mar ay ka hadlayeen  dhinaca maamulku ay sheegeen in loo baahan yahay in ganacsatadu gacan weyn ka geysto maadaama sida laga dhawaajiyay intii uu kulanku socday ganacsatadu yihiin kuwa mar walba saamixi kara nabad-galyo dadku helo, taasoo dhinaca ganacsatadu soo dhaweysay,

 

Sidoo kale waxaa siwey looga dooday intii uu kulanku socday arinta caashuurta oo dhawaan muran ka dhashay uu sababay in bartamaha magaalada uu gacan ka hadal ku dhax-maro isla ciidamada maamulka gobalka,   kadib markii ay soo baxeen kooxo sheegta magaca ciidamada kana qaada ganacsatada lagaca canshuuraha taasoo keentay in ganacsatadu ku wareerto habka canshuur qaadista.

 

Gudoomiyaha gudiga ganacsatada ee dhawaan laga dhisay gobalka Hiiraan Xasan Shiikh Axmed ayaa sheegay in mar walba ganacsatadu u heelan in la caawiyo howlaha maamulka gobalka, oo hadii aan dhaqaale loo helin lawada og yahay habacsanaanta ku iman karta, lakiin gudoomiyuhu waxaa uu sheegay in dhinaca maamulka looga baahan yahay in la yimaadaan qorshe ku saleysan habka cashuurta, simarkaa looga baxo shakiga ay qabaan ganacsato badan.

 

Gudoomiyaha  Xuseen Mux’ed Maalin oo dhinaciisa ka hadlay arintaas ayaa sheegay in mar walba maamulku ku dadaalayo wada shaqeynta ganacsatada oo sida uu sheegay ah isha dhaqaale ee maanta dalku leeyahay, waxaana uu intaa raaciyay in uu jiro hanaan sharci ah oo uu maamulku u dajinayo uruurita cashuurta si looga fogaado muran arintaa ka dhashay. lakiin waxaa uu dhinaca ganacsatada ku booriyay in aan waxba dhaqaalha laysku dhajin mar hadii loo baahan yahay in amni la helo taasoo ku iman karta in marka hore maamulku helo dhaqaale uu howshaa ku wado

 

Labada dhinac ayaa mar kale u balamay in kulamadu halkaa ka sii socdaan si ugu danbeytii loo gaaro go’aamo laysla wada ogol yahay, waa markii ugu horeysay oo uu gudigu kulan la yeesho maamulka gobalka tan iyo markii dhawaan lagu dhawaaqay, waxaana marka aad arita cashuurta la oran karaa waa isha kaliya ee dabooli karta baahiyaha loo qabo sugida nabad-galyada  iyo waliba mashaarooyinka la siiyo ciidamada sugaya nabad-galyada  iyada oo la wada og yahay in gobalku yahay dhaq-dhaqaaqa ganacsiga ee guud ahaan gobalada  K/furta iyo waliba Bartamaha soomaaliya.

 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online

diini@hiiraan.com

Baydhabo, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).