Talaado,
Ibraahim Shaawey waxaa uu sheegay in sababtii loo weeraray ay ahayd isagoo nabadda ka shaqeynayay, wuxuuna caddeeyay in weerarka lagu qaaday uusan ka hor-istaagi doonin shaqada uu bulshada u hayo, isla markaana uu sii wadan doono.
Ku xigeenka Duqa Magaalada Muqdisho oo dhaawac uu ka soo gaaray Qarax dhawaan lala beegsaday ayaa wuxuu sheegay in uu haatan caafimaadkiisu wanaagsan yahay, isla markaana uusan dhib weyn qabin.
Ibraahim Shaawey waxaa uu sheegay in Qaraxii lala beegsaday ay ku dhinteen Rag ka tirsanaa maamulka Magaalada Muqdisho, kuwaasi oo uu ka tilmaamay Agaasimihii Nabadgelyada iyo Xoghayntiisii guud.
Ku xigeenka Duqa Magaalada Muqdisho ee Arrimaha Nabadgelyada iyo Siyaasadda Ibraahim Cumar Sabriye Shaawey ayaa isagoo marayay nawaaxiga Isgoyska Xararyaale ee Magaalada Muqdisho waxaa qarax xooggan loo geystay gaadiid uu la socday, waxaana halkaas ku geeriyooday rag ka tirsanaa Maamulka Magaalada Muqdisho iyo howl-wadeenadii Xafiiska Ibraahim Shaawey.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online






