Jimco, March 02, 2007(HOL): Dad ka badan shan ruux ayaa la sheegay in ay ku dhaawacmeen madaafiic maanta lagu tuuray nawaaxiga Dekedda weyn ee Muqdisho, gaar ahaan Xaafado ka tirsan Degmada Xamar Ja-jab ee gobolka Banaadir.
Guri uu madfac ku dhacay oo ku yaala Xaafadda Xamar Ja-jab ayaa waxaa horay ugu dhacay madaafiic aysan dad wax ku noqon, waxayna dadka maanta ku dhaawacmay ay shalay ka soo laabteen qax ay ku tageen Degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose.
Dhinaca Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Itoobiyaanka ayaaney jirin wax madaafiic ah oo ka soo dhacay, kuwaasi oo loogu jawaabayay madaafiicda ay tuureen kooxaha ka soo horjeeda Ciidamada iskaashanaya ee Dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya.
Magaalada Muqdisho ayaa maalmihii aynu ka soo gudubnay waxay dadku ka nasteen madaafiic ay isku tuur-tuuri jireen Ciidamada Dowladda Federaalka iyo Itoobiyaanka oo isku dhinac ah iyo kooxo ka soo horjeeda Dowladda Federaalka.
Madaafiicda maanta lagu tuuray Xaafado ka tirsan Degmada Xamar Ja-jab ee magaalada Muqdisho ayaa waxay ku soo beegmayaan iyadoo ay Dowladda Federaalka sheegtay in uu jiro qorshe ballaaran oo ay ku hananeyso ammaanka Magaalada Muqdisho iyo iyadoo sidoo kale ay magaalada Muqdisho ku soo fool leeyihiin Ciidamo ka socda Dowladda Uganda.
Si kastaba arintu ha ahaatee, Xaaladda ammaan ee magaalada Muqdisho ayaa maalmihii aynu ka soo gudubnay waxay ahayd mid aan la isku haleyn karin, waxaana meelo badan oo magaalada ah ka dhacay dilal loo geysanayay dad rayid ah oo aan waxba galabsan.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online