6.1 C
London
Friday, October 24, 2025

Diyaarado joog hoose ku socda oo Helicopters ah oo maanta Muqdisho lagu arkay

- Advertisement -spot_imgspot_img

Isniin, March 19, 2007(HOL): Diyaaradahan oo loo qaatay in ay ka soo dul kaceen Markab Xeebta Muqdisho yaala ayaa waxay maanta dul hee-haabayeen Magaalada Muqdisho, wuxuuna socodkooda u badnaa Degmooyinka Xamar-weyne, Xamar Ja-jab iyo Waaberi.

 

Diyaaradahan Helicopters-ka ah oo noocoodu ahaa Copra ayaa waxaa is-tusayay dadka Muqdisho, waxayna dadku markii ay arkeen ay soo xusuusteen xiligii ay dalka Soomaaliya ka howlgelayeen Ciidamadii US/UNOSOM, xiligaasoo ku beegneyd horraantii sagaashamaadkii

 

Diyaaradahan Helicopters-ka ah ayaa duulimaadkooda wuxuu bilowday iyadoo Saraakiisha Ciidamada Midowga Afrika ee Muqdisho ku sugan ay saakay xaqiijiyeen in Qalab iyo Gaadiid ciidan uu maanta uga soo degayo Dekedda weyn ee Muqdisho.

 

Captain Paddy Ankunda oo hoggaaminaya Ciidamada Midowga Afrika ee Muqdisho ku sugan ayaa sheegay in  markab sida qalab u socda Ciidamadooda uu Dekedda Muqdisho ku soo xiranayo, wuxuuna caddeeyay in si KMG ah loo joojiyay howlihii caadiga ahaa ee Dekedda ka socday.

 

Markabkan Qalabka u sida Ciidamada Midowga Afrika oo lagu magacaabo Mv Global Provider ayaa wuxuu ka soo shiraacday Dekedda Mombasa ee Dalka Kenya, waxaana ku raran Gaadiid Gaashaaman iyo midka Ciidamada lagu qaado oo ay leeyihiin Ciidamada Uganda oo magaca Midowga Afrika ahaan uga howlgelaya Soomaaliya.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).