6.1 C
London
Friday, October 24, 2025

Markab Gaadiid iyo Qalab Ciidan u sida Ciidamada Uganda oo saakay la filayo in uu ku soo xirto Dekedda Weyn ee Muqdisho

- Advertisement -spot_imgspot_img

Isniin, March 19, 2007(HOL): Markab Gaadiid iyo Qalab Ciidan u sida Ciidamada Uganda ee ku sugan magaalada Muqdisho ayaa saakay lagu wadaa in uu ku soo xirto Dekedda weyn ee Magaalada Muqdisho.

 

Markabkan oo ka soo shiraacday Dekedda Mombasa ee dalka Kenya ayaa waxaa la sheegay inuu sido Gawaari gaashaaman iyo kuwa Ciidamada lagu qaado oo ay leeyihiin Ciidamada Uganda ee dhawaan soo gaaray Magaalada Muqdisho.

 

Wararku waxay intaas ku darayaan in hakad la geliyay howlihii dejinta iyo raridda ahaa ee ka socday Dekedda Muqdisho, waxaana taasi lagu macneeyay iyadoo uu Dekedda ku soo dhow yahay Markabkaas oo lagu magacaabo Mv Global Provider.

 

Markabkan ayaa soo xirashadiisa waxay ku soo beegmeysaa iyadoo maalintii shalay ahayd madaafiic hoobiyayaal ah lagu weeraray Dekedda weyn ee Muqdisho, inkastoo aaney Madaafiicdaas geysanin wax khasaare ah oo la sheegi karo.

 

Kooxo hubeysan oo ku kacsan Dowladda Federaalka iyo Ciidamada shisheeyaha ah ee ay adeegsaneyso ayaa weerarro la beegsada Dekedda iyo Garoonka Diyaaradaha Muqdisho iyo weliba Xarunta Villa Somalia oo uu degan yahay Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed.

 

Magaalada Muqdisho ayaa waxay noqotay mid fowdo ah tan iyo wixii ka dambeeyay markii ay Ciidamada Dowladda Federaalka oo kaashanaya Ciidamada Itoobiya ay deegaano badan oo dalka Soomaaliya ka tirsan ay ka saareen Xoogaggii iyo Mas’uuliyiintii Maxkamadaha Islaamka, waxaana ka dhaca dilal loo geysanayo dad rayid ah iyo weerarro lagu qaadayo fariisimada Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Itoobiyaanka ee gacanta siinaya.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).