Isniin, March 19, 2007(HOL): Safiirka Soomaaliya uga wakiilka ah Midowga Afrika iyo Itoobiya C/kariin Faarax Laqanyo ayaa sheegay in Dalkiisa burburay ee Soomaaliya uu u baahan yahay in ka badan maalgelinta uu Beesha Caalamka ka doonayo, wuxuuna ugu baaqay Dadka Soomaaliyeed ee dibadaha ku dhaqan in ay dalka dib ugu laabtaan, isla markaana ay ka qeyb-qaataan dib u dhiskiisa.
Dajire Laqanyo waxaa uu sheegay in Dalka Soomaaliya aaney Beesha Caalamka kaligeed waxba qaban karin, haddii ay ahaan lahayd xasilintiisa iyo dib u dhiskiisa, wuxuuna sheegay in dadka Soomaaliyeed looga baahan yahay in ay dalkooda nabadeeyaan, dabadeedna dhisaan.
C/kariin Laqanyo waxaa uu ku cel celiyay baaq uu u jeediyay Jaaliyadaha Soomaaliyeed ee dibadaha ku dhaqan, kaasi oo ah in ay dalkooda ku noqdaan, isla markaana ay xirfadahooda uga qeyb-qaataan dib u dhiska dalka iyo soo celinta adeegyadii bulshada sida Waxbarashada, Caafimaadka, Maxkamadaha, dhismaha Waddooyinka iyo wixii soo raaca.
Safiirka ayaa hadalkan jeediyay kulan uu la qaatay Wasiirka Arrimaha Dibadda
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxay dadaal xooggan ugu jirtaa sidii ay Beesha Caalamka uga heli lahayd dhaqaale ay ku socodsiiso howlaha horyaala oo ay ugu soo horeyso xasilinta dalka, inkastoo haatan dowladda ay dhaqaale u codsaneyso shir dib u heshiisiin ah oo ay 16-ka bisha soo socoto ku qaban doonto Magaalada Muqdisho oo ah mid aanu ammaankeeda hagaagsaneyn.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online