8.6 C
London
Thursday, October 23, 2025

Guddoomiyaha Baarlamaanka oo maalinta berri ah safar ku tegaya Magaalada Muqdisho

- Advertisement -spot_imgspot_img

Guddoomiyaha Baarlamaanka SoomaaliyaAxad, March 18, 2007(HOL): Gudoomiyaha baaralmaanka federaalka Soomaaliya Shiikh Aadan Max’ed Nuur (Shiikh Madoobe) oo caawa xafiiskiisa Magaalada Baydhabo ugu waramayay warfidiyeenka ayaa sheegay in maalinta barito ah uu safar deg deg ugu amba bixi doono dhinaca magaalada Muqdisho oo uu hadda ku sugan yahay  Madaxweynaha Dowladda Federaalka C/llaahi Yuusuf Axmed.

 

Guddoomiyaha Baarlamaanka oo safarkiiisa wax laga wadiiyay ayaa  sheegay in isaga iyo Madaxweynaha ay ka wada hadli doonaan arimo  la xiriira shirka dib u heshiisiinta ah ee dhawaan dowladda federaalku ku baaqday, isagoo intaas ku daray in safarkiisa Muqdisho kadib uu uga sii gudbi doono dhinaca Dalka Kenya.

 

Shiikh Aadan Madoobe mar ay weysiisay HOL su’aal aheyd  in ay suurtagal tahay iyo in kale isaga iyo madaxweynaha ay ka wada hadli doonaan arimo la xiriira soo guuri taanka dowlada federaalka si loogu shaqeeyo magaalada Muqdisho ayaa sheegay in marka hore arintaas uu madaxweynaha ka hadlay, isla markaana uu filayo dhawaan in xukuumadda u wada guurto dhinaca magaalada Muqdisho  baarlamaankuna  ilaa waqti uu ku sii shaqeyn doono gudaha magaalada Baydhabo.

 

Safarka la shaaciyay ee Guddoomiyaha Baarlamaanka oo goor dhaw uun soo baxay ayaan la ogeyn in uu u dhici doono sida uu gudoomiyuhu sheegay iyo in kale maadaama ay jiraan howlo culus oo hor yaala xubnaha dowlada ee ku sugan magaalada B/dhabo.

 

Shiikh Aadan Modoobe ayaa dhawaan loo doortay in uu noqdo guddoomiyaha baarlamaanka federaalka  kadib markii cod aqlabiyad ah xilkii gudoomiyaha baarlamaanka lagaga qaaday gudoomiyihii hore Shariif Xasan Sheekh Aadan, oo hadda isaga iyo waliba xubno ka tirsan baarlaamaanka ay ku sugan yihiin dalka dibadiisa.

 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online

diini@hiiraan.com

Baydhabo, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).