Axad, March 18, 2007(HOL): Mas’uuliyiin ka socotay Hay’adaha INXA, CRD, COGWO, DIJHRO iyo ELMAN ayaa saakay waxay kulan ku qaateen Xarunta Cogwo ee magaalada Muqdisho, iyadoo kulankaasina ay ku cambaareeyeen dadkii ka dambeeyay dil dhawaan Muqdisho loogu geystay marxuum Ciise Cabdi Ciise oo madax ka ahaa Hay’ad lagu magacaabo Kisima oo u ololeysa Nabadda iyo Xuquuqda Aadanaha.
Mas’uuliyiintii ka socotay Hay’adahaas ayaa waxay sheegeen in dilka loo geystay marxuumkaas uu ahaa mid ka dhan ah Xuquuqda Aadanaha iyo xeerarka caalamiga ah ee la isla wada aqoonsan yahay oo dhigaya in qofka bani’aadamka ah uu xaq u leeyahay in nabad iyo xornimo ku noolaado.
Guddoomiyaha Hay’adda Nabadda iyo Xuquuqda Aadanaha Elman Inj. Suudaan Cali Axmed ayaa sheegay in ay sida loo bar-tilmaameedsaday marxuumkii la dilay oo kale ay u bar-tilmaameedsan yihiin xubnaha u dooda Nabadda iyo Xuquuqda Aadanaha, hayeeshee waxaa uu carrabka ku dhuftay in ay lagama maarmaan tahay in aysan hakin howsha ay hayaan, isla markaana ay ku shaqeeyaan si geesinimo leh.
Gudoomiyaha Hay’adda Isku Xirka Nabadda iyo Xuquuqda Aadanaha INXA C/naasir Axmed Cusmaan ayaa isna sheegay in marxuum Ciise Cabdi Ciise uu ahaa nin nabadda u ololeyn jiray oo aan la ilaawi doonin waxyaabihii uu qabtay, wuxuuna intaas ku daray in uu marxuumku la mid yahay marxuumiin badan oo horay loogu dilay magaalada Muqdisho iyagoo u ololeynayay Nabadda iyo Xuquuqda Aadanaha.
Xubnihii ka qeybgalay kulankii lagu cambaareynayay dadkii ka dambeeyay dilkii marxuum Ciise Cabdi Ciise waxay soo bandhigeen Shakhsiyaad u ololeyn jiray Nabadda iyo Xuquuqda Aadanaha oo horay loo dilay, waxaana xubnaha la soo hadal qaaday ka mid ahaa Elman Cali Axmed, C/qaadir Yaxye Shiikh Cali iyo Istarliin Cabdi Caruush, kuwaasi oo la dilay iyagoo ku howlanaa howlo Bani’aadannimo.
Ugu dambeyntiina xubnihii ka qeybgalay kulankan ayaa waxay soo saareen baaq ay u jeediyeen Dowladda Federaalka oo ay ka codsadeen in ay soo qabato, isla markaana ay sharciga hor keento dadkii ka dambeeyay dilkii dhawaan Muqdisho loogu geystay Ciise Cabdi Ciise, iyagoo sidoo kalena ka codsaday Dowladda Federaalka in ay wax ka qabato xaaladda ammaan darro ee ka jirta Magaalada Muqdisho.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online