Axad, March 18, 2007(HOL):Wafdi ka socday Qaramada Midoobay oo heer sare ah ayaa maanta waxay gaareen Magaalada Baydhabo oo weli fariisin KMG ah u ah Golayaasha Dowladda Federaalka, iyadoo wafdigaasina ay kulamo la qaateen Guddoomiyaha Baarlamaanka Shiikh Aadan Madoobe, Ra’iisal Wasaare Cali Maxamed Geedi iyo Xubno ka socday labada gole ee Dowladda Federaalka.
Wafdigan oo uu hoggaaminayay Kaaliyaha Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ayaa ujeedada socdaalkooda lagu sheegay in ay u kuurgelayaan sida ay suurtagal ku noqon karto in ay Ciidamo ka socda Qaramada Midoobay ay lix bilood kadib uga howlgeli lahaayen Soomaaliya.
Sidoo kalena, xubnaha Wafdigan ka socda UNka ayaa waxay u kuur-gelayaan sida loo dhaqangelin karo qaraarkii UN-ka dhawaan ka soo saaray Soomaaliya, kaasi oo tirsigiisa uu ahaa 1744, isla markaana ay Xubnaha Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ay ku ansixiyeen in Ciidamo loo diro Soomaaliya.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Ismaaciil Maxamuud Hurre Buubaa oo ka mid ahaa Wasiirradii Wafdiga UN-ka la kulmay ayaa sheegay in kulankooda ay isku af-garteen, isla markaana ay xubnahan sheegeen in ay Qaramada Midoobay gacan ka geysan doonto Ciidamada Afrikaanka ah ee loo soo dirayo Soomaaliya, isagoo intaasna ku daray in ay si dhaqsi ah Soomaaliya ku soo gaari doonaan Ciidamo ka socda dalalka Nigeria, Burundi, Ghana iyo Malawi, kuwaasi oo qeyb ka noqon doona ciidamada nabad ilaalinta ah ee uu Midowga Afrika u soo dirayo Soomaaliya.
Wafdigan oo ka yimid Xarunta Qaramada Midoobay ee New York ayaa dib uga laabtay magaalada Baydhabo, iyagoo marka ay dib ugu laabtaan Xarunta Qaramada Midoobay gudbin doona warbixinta ay ka heleen mas’uuliyiinta dowladda Federaalka ee ay Baydhabo kula kulmeen.
Waa markii ugu horeysay oo wafdi xubnihiisa ay heerkan la egyihiin ay gaaraan magaalada Baydhabo tan iyo wixii ka dambeeyay markii ay Dowladda Federaalka Soomaaliya u guurtay dalka Soomaaliya, walow uu dhowr jeer oo hore uu booqashooyin ku kala bixiyay Magaalooyinka Muqdisho iyo Baydhabo Wakiilka Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Mr. Francois Lonsey Fall.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com