8.6 C
London
Thursday, October 23, 2025

Ciidamada Uganda oo xoojinaya Ciidamada sugaya Ammaanka Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya

- Advertisement -spot_imgspot_img

Axad, March 18, 2007(HOL): Ciidamo tiro badan oo ka tirsan Ciidamada Uganda ee ku howlgelaya Magaca Midowga Afrika ayaa lagu xoojiyay Ciidamada  sugaya Ammaanka Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya oo dhowr jeer oo hore madaafiic lagu weeraray.

 

Afhayeenka Ciidamada Uganda Captain Paddy Ankunda ayaa sheegay in ciidamadooda tegay Xarunta madaxtooyada ay xoojinayaan ciidamada Dowladda Federaalka ee halkaas ku sugan, si loo sugo buu yiri ammaanka madaxweynaha iyo mas’uuliyiinta kale ee Dowladda ee ku sugan Xarunta Madaxtooyada.

 

Afhayeenka waxaa uu sheegay in aysan kaliya dooneynin in ay ku ekaadaan xarunta Madaxtooyada balse ay sugi doonaan ammaanka dadka Muqdisho ku dhaqan, wuxuuna carrabka ku dhuftay in arrinta loo soo xil saaray ay tahay in ay sugaan ammaanka Caasimadda Muqdisho.

 

Captain Paddy Ankunda waxaa uu sheegay in inta aysan howlgallo bilaabin ay wada hadallo la yeelanayaan dhamaan qeybaha kala duwan ee Bulshada, si ay u kala bartaan dadka Muqdisho ku dhaqan, isla markaana ay uga dhaadhiciyaan in ay iyagu nabadda wax ka raadiyaan.

 

Afhayeenkan u hadlay Ciidamada Uganda ayaa dhawaan wuxuu baaq u jeediyay mas’uuliyiinta Maxkamadihii Islaamka, kuwaasi oo uu ugu baaqay in ay dalka dib ugu soo noqdaan, isla markaana ay ka qeybqaataan nabadeynta Soomaaliya.

 

Si kastaba arrintu ha ahaatee, Ciidamada ka socda Dowladda Uganda ee ku howlgelaya magaca Midowga Afrika oo aanu weli soo gaarin gaadiidkii gaashaamanaa ee ay ku howlgeli lahaayeen ayaa la sheegayaa in marka ugu horeyso ee uu qalabkaas soo gaaro ay bilaabi doonaan howlgallo ammaanka Muqdisho lagu sugayo, iyagoo kaashanaya Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Itoobiyaanka ah ee gacanta siinaya.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).