Axad, March 18, 2007(HOL): Waxaa xalay gurigiisa oo ku yaala xaafadda Faanoole ee Magaalada Kismaayo lagu dilay Taliyihii Ciidamada Booliska Kismaayo G/lle Cabdi Maxamed Cabdulle (Cabdi Gaab).
Taliyaha ayaa waxaa la sheegay in uu toogtay nin ka tirsanaa ilaaladiisa, kaasi oo markii uu dilka geystay kadib baxsaday. Ilaa iyo hadda lama yaqaano sababta uu ninkaas gacan ku dhiiglaha noqday uu u dilay Taliyaha, waxayse dadka qaarkiis tuhmayaan in loo soo adeegsaday.
Meydka Taliyaha oo xalay ku baryay Isbitaalka Magaalada Kismaayo ayaa saaka la filayaa in la aaso, iyadoo aaskiisana ay ka qeybgelayaan mas’uuliyiinta gobolka Jubbada Hoose iyo kuwa Degmada Kismaayo, iyadoo sidoo kalena ay aaska ka qeybgelayaan saraakiil Ciidan oo ku sugan Magaalada Kismaayo.
Alle ha u naxariistee G/lle Cabdi Gaab ayaa wuxuu maalmihii tegay ku howlanaa howlgallo burcad sifeyn ah, wuxuuna dilkiisan ku soo beegmayaa iyadoo ay xabsiga magaalada Kismaayo ku xiran yihiin afar burcad ah oo dadka safarka dhac u geysan jiray, kuwaasi oo iyagoo hurda uu ku weeraray guri ay deganaayeen, isla markaana uu soo katiinadeeyay.
Sidoo kalena dilka sarkaalkan ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo Guddoomiyaha Gobolka Jubbada Hoose Ilyaas Bedel Gaboose uu shalay soo saaray amar ah in bartooda lagu toogto kooxaha burcadda ah ee ka dambeeya falalka nabadgelyo darrada ah ee gobolka ka jira.
Magaalada Kismaayo ayaa tan wixii ka dambeeyay markii ay isaga baxeen Ciidamadii Itoobiyaanka ahaa ee ku sugnaa waxaa ku soo kordhayay falal nabadgelyo darro ah, iyadoo dad lagu dilay kuwo kalena lagu dhaawacay.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online