8.6 C
London
Thursday, October 23, 2025

Degmada Matabaan ee Gobolka Hiiraan oo maalmihii aynu soo dhaafnay ay ka dhaceen Dagaallo dhexmaray Beelo halkaas wada dega

- Advertisement -spot_imgspot_img

Sabti, March 17, 2007(HOL):  Wararka laga helayo degmada Matabaan oo ka tirsan gobalka Hiiraan ayaa sheegaya in dadka ku dhaqan ay soo food saartay cabsi ba’an oo la xiriirta in gudaha degmada ay isku fara saaraan beelo baryihii aynu soo dhaafnayba ku dagaalamayay daafaha magaalada Matabaan.

 

Sida u u sheegay Hiiraan Online mid ka mid ah mas’uuliyiinta degmada Matabaan waxaa jiray dhaq-dhaqaaqyo ciidan oo wali ka taagan Daafaha degamada Matabaan, waxaana mas’uulka u waramay HOL uu intaa raaciyay xiisada hada ka jirta degamada in  lagu tilmaami karo mid siyaasadeed oo daba joogta ciidamadii kol hore soo galay gudaha degmada ee ka yimid dhinaca degmada dhuusa-mareeb, isagoo intaa sii raaciyay in xaaladu ku saleysan tahay cida degamadaasi maamusho,

 

Sida ay sheegayaan wararka iyaguna ka soo baxaya magaalada B/weyn ee xarunta gobalka Hiiraan waxaa jira dad soo gaaraya gudaha magaalada kuwaasoo ka soo barakacay degmada Matabaan, gaar ahaan haweenka iyo caruuta oo mar walba ah kuwa u jilecsan iska hor imaadayada,

 

Gugoomiyaha degamada Matabaan C/laahi warsame dabagooye oo ay la xiriirtay HOL ayaa sheegay in dhibaatada ka taagan degmada la oran karo waa mid ay wadaan dad sida uu tilmaamay ka soo hor jeeda nidaamka dowlada federaalka oo ah mid ka dhaqan galay gudaha degmada waxaana uu intaa ku daray in maamulku arintaa ka hor tagi doono,

 

Hadalka gudoomiyaha oo muujinaya sida dhanacyada is haya ugu kala duwan yihiin siyaasada dalka ayeey dad badani u arkaan in taasi ka iman karto qatar mar kale soo celisa gacan ka hadal dhax mara ciidamada ka amar qaata dowlada federaalka ee ku sugan degmada iyo waliba kuwo maleesho ah oo halkaasi u taga si ay carqalad ugu abuuraan howlaha ciidamada dowladu ay ku sugayaan nabad-galyada.

 

Dabayaaqadii sanadkii aynu soo dhaafnay ayay ahayd markii ay degmada Matabaan la wareegeen ciidamo hubeysan oo ka yimid dhinaca degmada dhuusa-mareeb ee gobalka Gal-gaduud walow markii danbe ciidamada halkaa laga saaray,  lakiin dagaalkii maalmo ka hor ka dhacay duleedka degmada Mataan ayaa muujinaya in wali xaalku aheyn mid  fudud, waxaana dagaalkaasi inta la og yahay ku nafwaayay ilaa 4 ruux oo sida la sheegay ka wada tirsan dhinacaydii iska hor imaadku dhax maray.

 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online

diini@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).