Sabti, March 17, 2007(HOL): Guddoomiyaha Gobolka Jubbada Hoose Ilyaas Bedel Gaboose ayaa amar ku bixiyay in meeshii lagu arko lagu toogto kooxo burcad ah oo falal ammaan darro ah ka wada deegaano ka tirsan Gobolka Jubbada Hoose.
Amarka uu bixiyay Guddoomiyaha Gobolka Jubbada Hoose ayaa wuxuu yimid kadib markii ay deegaano hoos yimaada Gobolka ay ka dilaaceen kooxo dhac iyo dil u geysta dadka safarka ah.
Guddoomiyaha waxaa uu intaas ku daray in aaney u baahneyn Ciidamada in ay soo qabtaan ama ay Oday Dhaqameedyo kala xiriiraan haddiiba ay arkaan kooxaha Burcadda ah, wuxuuna faray Ciidamada in ay bartooda ku toogtaan.
Amarkan ayaa haddii ay fuliyaan Ciidamada Dowladda Federaalka ee ku sugan Gobolka Jubbada Hoose waxaa uu noqonayaa mid maareyn kara kooxo burcadda ah ee daadsan deegaano badan oo ka tirsan Gobollada Jubbooyinka.
Magaalada Kismaayo ayaa tan iyo markii loo magacaabay Maamulkan waxaa ka dhacay dilal loo geystay dad rayid ah, iyadoo sidoo kalena ay maamulka soo gaarayeen cabashooyin ka imaanayay dadka safarreyda ah, kuwaasi oo ka ashtakoonayay kooxo Burcad oo dhac iyo dil u geysta.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online