Sabti, March 17, 2007(HOL): Kooxo hubeysan ayaa xalay waxay weerar u geysteen ciidamada Madaniga Xaafadda Baar Ubax ee Magaalada Muqdisho, iyadoo halkaasina ay ka dhacday dhimasho iyo dhaawac soo gaartay Ciidamada Madaniga Xaafadda Baar Ubax.
Hor-joogihii Ciidamada Madaniga Xaafadda Baar Ubax oo lagu magacaabi jiray Cabdi Xareed Xalane ayaa weerarkaas ku geeriyooday, iyadoo sidoo kalena uu ku dhaawacmay nin ka tirsanaa Ciidamada Madaniga.
Ciidamada Madaniga Xaafadaha Magaalada Muqdisho ayaa waxay sameysmeen kadib markii ay dhawaan soo baxeen kooxo hubeysan oo xaafadaha dhexdooda madaafiic uga tuura fariisimada Dowladda Federaalka, iyadoo kadibna ay dhinaca dowladda ka yimaadaan madaafiic waa weyn oo ay wax ku noqdaan dad rayid ah oo guryahooda iska jooga.
Ma ahan markii ugu horeysay oo weerar lagu qaado ciidamada Madaniga Xaafadaha Magaalada Muqdisho, waxaana horay loo weeraray Ciidamada Madaniga Xaafadda NBC, iyadoo halkaasina lagu dilay hor-joogihii Ciidamadaas oo lagu magacaabi jiray Dhaashane.
Ciidamada Madaniga Xaafadaha Magaalada Muqdisho ayaa tan iyo wixii ka dambeeyay markii ay dib u howlgaleen waxaa soo wajahaya weerarro uga imaanaya kooxaha ku kacsan dowladda Federaalka, waxayna qaar ka mid ah horjoogayaasha Ciidamada Madaniga bilaabeen in ay cabsi darteed shaqadii amni sugidda ahayd ay uga tagaan.
Dowladda Federaalka Soomaaliya oo iyadu laga rabay in ay sugto ammaanka magaalada Muqdisho ayaa hataan waxaa howsheedii haya Ciidamada Madaniga xaafadaha, iyadoo haatanna Ciidamadii Madaniga loo bar-tilmaameedsanayo sabab la xiriirta in ay Dowladda ka celinayaan kooxaha weeraraya.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online