11.3 C
London
Thursday, October 23, 2025

Madaxweyne C/llaahi Yuusuf oo sheegay in dad ka tirsan Maxkamadihii Islaamka uusan boos uga banaaneyn Shirka Dib u heshiisiinta

- Advertisement -spot_imgspot_img

Sabti, March 17, 2007 Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed ayaa sheegay in weerarkii Talaadadii aynu ka soo gudubnay lagu qaaday Xarunta Villa Somalia xili uu ku sugnaa ay ka dambeeyeen wax uu ugu yeeray haraagii Maxkamadihii Islaamka.

 

Madaxweynaha oo wareysi siiyaya Wargeyska Sharqul-Awsat ee ka soo baxa Magaalada London ee dalka Ingiriiska ayaa sheegay in Alle mahaddiis aysan weerarradaas dhibaato ka soo gaarin, balse waxaa uu carrabka ku dhuftay in uu aad uga xun yahay in madaafiicdii loola dan lahaa Villa Somalia oo ka gudbay ay caruur ku dileen meel aan u dheereyn Xarunta Madaxtooyada.

 

Madaxweyne Yuusuf waxaa uu sheegay in weerarrada lagu qaadayo fariisimada mas’uuliyiinta iyo Ciidamada Dowladda Federaalka aysan ka leexin doonin Dowladda Federaalka Dhabaha ay xalka ugu raadineyso Dalka Soomaaliya, wuxuuna caddeeyay in ay dowladdu dhawaan muquunin doonto kooxaha ka dambeeya weerarradaas.

 

Beesha Caalamka, Jaamacadda Carabta iyo Ururka Islaamka ayuu ka codsaday in ay Dowladda Federaalka taageero maaliyadeed ku garab galaan, si ay ugu sahlanaato inay gacanta ku dhigto ammaanka guud ahaan dalka Soomaaliya.

 

Mar uu ka hadlayay suurtagalnimada in ay shirka dib u heshiisiinta ah ee ay Dowladda ku baaqday ay ka qeybgalaan rag ka tirsan Maxkamadihii Islaamka waxaa uu sheegay in uusan shirkaas boos uga banaaneyn rag gacmooda uu dhiig ka da’ayo oo dhibaatadii ay geysteen uu weli raadkeedii muuqdo.

 

Si kastaba arrintu ha ahaatee, Dad badan oo Soomaaliyeed iyo Dowlado badan oo daneeya Arrimaha Soomaaliya ayaa waxay qabaan in shirka dib u heshiisiinta ah ee ay ku baaqday Dowladda Federaalka laga qeybgeliyo Hoggaamiyayaashii Maxkamadaha Islaamka, si loo af-jaro mushkiladda ka taagan Soomaaliya, walow dhawaqaasi uu u muuqdo mid dhibaya Mas’uuliyiinta sare ee Dowladda Federaalka.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).