Jimco, March 16, 2007(HOL): Xaafad lagu magacaabo Mbagathi oo ku taalo bariga Degmada Afgooye ayaa saakay 10-kii barqonimo waxaa ka dhacay qarax aad u xooggan oo sababay dhimashada 8 ruux oo caruur u badnaa iyo dhaawaca tiro kale oo intaas ka badan, kuwaasi oo haatan lagu daweynayo Isbitaalka Degmada Afgooye.
Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya waxyaabihii dhaliyay qaraxaas, waxayna dadka qaarkiis sheegayaan in qaraxa uu ka dhashay waxyaabo qarxa oo meesha qaraxa ka dhacay yaalay, halka dad kalena ay sheegayaan in waxa meesha ku qarxay ay madfac la soo tuuray ahaayeen.
Dadka ku dhintay Qaraxan ayuu Wariye lagu magacaabo Xasan Matoore oo Degmada Afgooye ku sugan ii sheegay in ay Dadka dhintay aad u googo’een, isla markaana ay adag tahay in la kala aqoonsado xubnaha jirkooda, iyadoo taasina ay uur ku taalo weyn ku abuurtay dadkii indhahooda ku arkay ee tegay goobta uu qaraxa ka dhacay.
Warar aan si rasmi ah loo xaqiijin balse isa soo taraya ayaa waxay sheegayaan in dadka qaraxa ku dhintay ay ahaayeen dad ka qaxay Madaafiicda Xamar balse markoodii hore reer Afgooye ahaa, inkastoo la sheegayo in ay la jireen dad ehelkooda ah oo horay u deganaa Afgooye.
Ciidamada Booliska iyo kuwa Mileteriga Dowladda Federaalka ee ku sugan Degmada Afgooye ayaa haatan waxay wadaan baaritaan ku saabsan in ay ogaadaan wixii dhaliyay qaraxaas, iyadoo saraakiil u hadashay Booliska Degmada Afgooye-na ay sheegeen in ay saxaafadda la hadli doonaan marka uu baaritaanka u soo dhamaado.
Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelaha Hoose oo ay ku sugan yihiin Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka iyo kuwo Itoobiyaan ah ayaa tan iyo markii magaalada Muqdisho madaafiicda ka bilowdeen waxaa u qaxayay dad badan oo ka cararay in ay waxyeello ka soo gaarto madaafiicda aan loo meel dayin ee ay isku ridayaan Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Itoobiya oo isku dhinac ah iyo Kooxo hubeysan oo ka soo horjeeda, hayeeshee haatan waxaa muuqaneysa in dadkii Muqdisho ka qaxay dhawaqii qaraxyada looga daba geeyay Degmada Afgooye.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online