11.3 C
London
Thursday, October 23, 2025

Tacaddiga ay Saxafiyiinta Muqdisho kala kulmayaan Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Itoobiya oo sii kordhaya

- Advertisement -spot_imgspot_img

Khamiis, March 15, 2007(HOL): Waxaa sii kordhaya Tacadiyada ay Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Itoobiya u geysanayaan saxafiyiinta ka howlgala Magaalada Muqdisho, iyadoo jir-dil, xarig iyo handadaad loo geystay Wariyayaal ka howlgala Magaalada Muqdisho.

 

Ciidamo Itoobiyaan ah oo ku kala sugan Xerooyin ku yaala Darmooley oo Wadada Balcad xigta iyo Wasaaraddii Gaashaandhigga ayaa waxay jir-dil u geysteen C/raxmaan Yuusuf Al-Cadaala, Maxamed Ibraahim Ruush, Maxamed Ibraahim Raage iyo Ismaaciil Taxte oo dhamaantood ka howlgala Idaacadd Shabeelle ee Magaalada Muqdisho.

 

Wariyayaashan ayay Ciidamada Itoobiyaanka jir-dilka u geysteen xili ay gudanayeen waajibaadkooda shaqo, waxayna qaarkooda haatan la xanuunsanayaan jugtii ay u geysteen Ciidamada Itoobiyaanka.

 

Jug feeraha iyo garmaha ka soo gaartay aawgeed ayaysan soo shaqo tegin muddo seddex maalmood ka badan Maxamed Ibraahim Raage iyo Maxamed Ibraahim Ruush, waxayna sheegeen labadan wariye in ay qabaan xanuuno habeenkii u badan.

 

Sidoo kalena Wariye Xasan Sade Dhaqane oo ka mid ah Wariyayaasha Idaacadda Horn Afrik ee Muqdisho ku taala ayaa muddo todobaad ku dhow waxaa uu u xiran yahay Dowladda Federaalka, iyadoo aan ilaa iyo haatan caddeynin waxa ay u heysato wariyahaas.

 

Intaas kuma koobna Tacadiyada loo geysto Wariyayaasha ka howlgala magaalada Muqdisho waxaana maanta oo ugu dambeysay ay Ciidamo ku sugan Garoonka Diyaaradaha Muqdisho oo Dowladda Federaalka ka amar qaata ay handadaad u geysteen wariyayaal doonayay in ay ka qeybgalaan shir jaraa’id oo ay mas’uuliyiinta warfaafinta Dowladda Federaalka sheegeen in uu gudaha garoonka ku qabanayo Wasiirka arrimaha Dibadda Itoobiya Syoum Mosfen.

 

Ururrada u dooda Suxufiyiinta iyo kuwa Xuquuqda Aadanaha ayaa ugu baaqay Dowladda Federaalka in ay Ciidamadooda xakameeyaan, isla markaana ay dhowraan xoriyadda saxaafadda, iyagoo dhinaca kalena ugu baaqay in ay sii deyso wariye Xasan Sade Dhaqane oo muddo todobaad ku dhow u xiran.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).