Khamiis, March 15, 2007(HOL): Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shalay waxay shaacisay Xubnaha hoggaamin doona shirka Dib u heshiisiinta ah ee ay ku baaqday in 16-ka Bisha April ee soo socota lagu qabto Magaalada Muqdisho.
Dukumiinti ku saabsan qorsha shirka dib u heshiisiinta ah ee ay ku dhawaaqday Dowladda Federaalka oo la soo bandhigay ayaa lagu xusay xubnaha hoggaamin doona Shirka dib u heshiisiinta, waxaana xubnahaasi ka mid ah Cali Mahdi Maxamed, C/raxmaan Cabdi Xuseen, Maxamuud Jirde Xuseen, Maxamed Shiikh Mukhtaar, Maxamed Shire Nuurre iyo Faarax Waceys Dhuulle.
Xubnahan ayaa loo gartay in ay noqon karaan dhexdhexaad marka ay timaado in ay dhexdhexaadiyayaal ka noqdaan shirka Dib u heshiisiinta ah ee ay Dowladda Federaalka ku baaqday kaasi oo ay ka qeybgelayaan ilaa 300 oo Ergay oo Beelaha Soomaaliyeed ka socda.
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed ayaa markii uu ku dhawaaqayay xiliga la qabanayo shirka dib u heshiisiinta ah ee la isugu keenayo Qabaa’illada Soomaalida waxaa uu sheegay in hoggaanka Shirka ay yeelan doonaan shaqsiyaad muxtarimiin ah oo horay xilal uga soo qabtay Soomaaliya, isagoo dhinaca kalena mar uu ka hadlayay doorka ay Dowladda ku yeelan doonto shirkaas sheegay in ay ku ekaan doonto sugidda ammaanka iyo la socoshada sida loo maareynayo dhaqaalaha shirka ku baxayo.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in shirka ay ku baaqday lagu heshiisiinayo Qabaa’illada Soomaalida ee mudada dheer colaadda u soo dhaxeysay, isla markaana uusan shirka ahayn mid siyaasad looga hadlayo, khilaafaadkii siyaasaddana horay loogu soo dhameeyay shirkii
Haddaba iyadoo ay Dowladda Federaalka sidaas leedahay ayaa hadana Oday Dhaqameedyo iyo Siyaasiyiin ka soo jeeda Beesha Hawiye oo shir ku yeeshay Magaalada Muqdisho waxay sheegeen in aaney jirin Beelo Soomaaliyeed oo colaad u dhaxeyso oo shir loo qabanayo, sidaas darteedna loo baahan yahay in shirka uu noqdo mid xal loogu raadinayo mushkiladda siyaasadeed ee ka taagan Dalka Soomaaliya.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online