11.3 C
London
Thursday, October 23, 2025

Madaxweynaha Ghana oo Nasiib darro ku tilmaamay weerarradii loo geystay Ciidamada Midowga Afrika ee Muqdisho jooga

- Advertisement -spot_imgspot_img

Khamiis, March 15, 2007(HOL): Guddoomiyaha Xiligan ee Midowga Afrika, ahna Madaxweynaha Dalka Ghana Mr. John Kufuor ayaa mid nasiib darro ah ku tilmaamay weerarkii dhawaan Muqdisho loogu geystay Ciidamo ka socda Midowga Afrika oo howlgal nabad ilaalin ah u tegay Soomaaliya.

 

“Waa nasiib darro in Ciidamadii ugu horeeyay ee Muqdisho tegay ay la kulmaan rasaaseyn, waxaana taasi u arkeynaa dhiirigelin la’aan”ayuu yiri Guddoomiyaha Midowga Afrika Mr. John Kufuor oo shir jaraa’id ku qabtay Magaalada London ee dalka Ingiriiska oo uu booqasho ku tegay.

 

Ciidamo ka badan 1000 Askari oo ku howlgelaya Magaca Midowga Afrika ayay Dowladda Uganda u dirtay Soomaaliya todobaadyadii la soo dhaafay, waxayna ciidamadaasi markii ay soo degeenba ay la kulmeen weerarro uga yimid kooxo hubeysan oo ka horjeeda joogitaankooda Magaalada Muqdisho.

 

Ciidamada Uganda oo weerar lagu bilaabay markii ugu horeysay ee ay soo caga dhigteen Magaalada Muqdisho ayaa waxaa weerar kale oo lagu qaaday maalintii xigtay waxaana weerarkaas kaga dhaawacmay labo askari xili ay marayeen Isgoyska KM4 ee magaalada Muqdisho.

 

Xeel dheerayaal ka hadla Arrimaha Afrika ayaa sheegay in Ciidamada Afrika ay bartilmaameed yihiin, taasina ay ugu wacan tahay iyagoo loo arko in ay gacan siinayaan Dowladda Federaalka Soomaaliya oo Cadaw ku leh Magaalada Muqdisho.

 

Ugu dambeyntii Guddoomiyaha Midowga Afrika Mr. John Kufuor waxaa uu sheegay in Dalalka Midowga Afrika ay ka go’an tahay in ay Dowladda Federaalka Soomaaliya ku caawiyaan sidii ay hab nabadeed nabad ugu soo dabaali lahayd Soomaaliya, wuxuuna caddeeyay in ay haatan socdaan wada hadallo ay leeyihiin madax ka tirsan Midowga Afrika, kuwaasi oo ka arinsanaya sidii Soomaaliya nabad looga dhigi lahaa.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).