9.6 C
London
Thursday, October 23, 2025

Dr. Axmed Taajir oo ku guuleystay in uu Caloosha Gabar yar oo 9 bilood jir ah ka soo saaro Buro Shan Kiilo ah

- Advertisement -spot_imgspot_img


Arbaco, March 14, 2007(HOL): Dr. Axmed Maxamed Axmed oo ka mid ah Dhaqaatiirta ka howlgasha Isbitaalka Keysaney, isla markaana ah madaxa Qalliinka Isbitaalka ayaa wuxuu ku guuleystay in uu ka soo saaro gabar yar oo 9 bilood jir ah buro caloosha kaga taalay oo culeyskeedu dhan yahay 5 kiilo.

 

Dr. Axmed Taajir waxaa uu sheegay in waalidiinta gabadhan oo ah kuwo sabool ah ay burada ku arkeen gabadhooda iyadoo labo bilood jirta, wuxuuna intaas ku daray in ay geeyeen Isbitaalka Hooyada iyo Dhallaanka SOS, kadibna sidaas loogu wareejiyay qeybta Qalliinka ee Isbitaalka Keysaney.

 

Dhaqtarku wuxuu intaas ku daray in qalliinka oo socday muddo labo saacadood ah uu si guul leh ugu dhamaaday, isla markaana ay caafimaad ahaan wanaagsan tahay Caasha Cusmaan Isaaq oo ah Gabadha uu Dhaqtarta Qalliinka ku sameeyay.

 

Dr. Axmed Maxamed Taajir waxaa uu sheegay in uu si tabarucaad ah Qalliinka ugu sameeyay gabadha yar, bacdamaa ay ka soo jeedo Reer Sabool ah oo aan heysan wax qalliin loogu sameeyo Gabadhooda, wuxuuna sheegay in uu Allaah Mahaddiis ku guuleystay in uu caloosha gabadhan 9 bilood jirka ah uu ka soo saaro buro culeyskeedu dhan yahay shan Kiilo oo weliba sii faafeysay.

 

Soonto Cali Aadan oo ah Hooyada dhashay Gabadhan ayaa si weyn ugu mahadcelisay Dr. Axmed Taajir, waxayna sheegtay in uu ka feyday kurbo in muddo ah heysay, waxayna Alle uga bariday Dhaqtarka in uu Ajir iyo xasanaad ugu bedelo abaalka uu u galay.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).