9.6 C
London
Thursday, October 23, 2025

Gabar Soomaaliyeed oo u ololeysa Arrimaha Bani’aadannimada oo abaal-marin lagu guddoonsiiyay Dalka Switzerland

- Advertisement -spot_imgspot_img


Arbaco, March 14, 2007(HOL):  Waxaa taarikhdu marka ay ahayd 9kii bisha Maarso lagu qabtay magaalada Geneva ee wadanka Switzerland tartan ka dhexeeyey gabdho laga soo xulay wadanka Swiss-ka gudihisa gabdhahaas oo lagu jecleystay sida ay ugu halgamaan noocyada kala duwan ee la xiriira arimaha bani’aadannimo iyo bulshaba.

 

Munaasabadan oo ay isugu yimaadeen 7  Gabdhood oo la gudonsinayey Bilado ayaa waxay ka kala socdeen Wadamo kala duwan, waxayna abaalmarinta ugu kala guuleysteen sidan:

 

1 Halima Ahmed (Somalia)

2 Hidajete Golaj-rime (Albania)

3 Imane Kanj-Lauraux (Syria)

4 Ferechteh Madijdzadeh (Iran)

5 Daphrose Ntarataze Barampama (Brundi)

6 Dalila Roelli (Tunisia)

7 Jeanne d’Arc Umugwaneza-Pellissier (Rwanda)

 

Gabdhahaas wada halgamaya ayaa xaliimo ka heshay bilad sharaf kaalinta koobaad oo loogu  hibeeyay sida ay ula shaqayso dowlada hoose iyo community-ga soomaalida iyo waliba waaxda caafimad-ka ee ka shaqaysa ciribtirka gudniinka fircooniga.

 

Waxaa ka soo qayb galay munaaasabadaas madax weynihi hore ee Swiss-ka ,duqa magaalada geneva, masuulka waaxda caafimadka Geneva, masuulka waaxda is dhex galka shacabka(Integration) masuulka waaxda arrimaha dumarka Safiirka Soomaalida u jooga wadankan Switzerland hay’ada UNICEF Swiss. 

 

Waxa ay maamul goboleedka Geneva  u aqonsadeen Halima shakhsiga u soo halgamay arrimaha dumarka iyo integration-ka  waliba waxay ugu mahad celiyeen cawimaada ay ka siisay fahamka dhaqanka soomaalida taas oo sida u hadalka u dhigay duqa magaalada ay jaahil ka ahayeen hadana ay ku faraxsan yihiin in ay fahmeen quruxdiisa oo aan ku koobnayn qaybta negative-ka ah oo ah gudniinka fircooniga.

 

Haddii aan idiinka faaleyno taarikhda Xaliima waxa ay ku dhalatay Mogadishu Soomaaliya 23 Agoosto sanadkii 1984, kadib qaraxii dagaalada sookeye waxay Xaliima soo gashay wadankan Switzerland 1993 halkaasoo ay ka gashay dugsi Hoose/Dhexe (grandes communes) kadib ay ka sii gashay iskuul ganacsi oo ay ka baratay  dalxiiska, waxay sanadkii 2005 aas aastay hay’ad lagu magacaabo DARYEEL N.G.O taas oo ka shaqaysa arimaha bani’aadanimo.

 

Waxa abaalmarin looga dhigay sanadkan in ay Halimo la shaqayso UNICEF SWISS waxa ka mid ah fursadaha ay Xaliima heshay in ay la shaqayso dowladda hoose ee Geneva.

 

Waxaa ay mahad celin u  jeedinaysaa eheladeeda iyo dhamaan dadkii wax la qabtay kuna garab istaagay hawsha ay haysay Xaliima Sacdiya waxa ay salaan gaar ah iyo mahad naq ba u jeedinaysa Ahmed Jamac Ahmed (Furbool) oo kaalin weyn ka qaatay dhiirigalinteeda iyo shaqooyinka kala duwan ee ay qabato.







Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).