9.6 C
London
Thursday, October 23, 2025

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay oo isku raacay in ay loo baahan yahay in la qabto wada hadallo ay ka qeybgalaan dhamaan Soomaalida

- Advertisement -spot_imgspot_img

Arbaco, March 14, 2007(HOL):  Xubnaha Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay oo shir ka yeeshay xaaladda Dalka Soomaaliya ayaa waxay isku raaceen in loo baahan yahay in shirka dib u heshiisiinta ah ee ay ku baaqday Dowladda Federaalka laga wada qeybgalo.

 

War-murtiyeed uu Xubnaha Golaha Ammaanka  ka hor aqriyay Safiirka Koofur Afrika u fadhiya Qaramada Midoobay Ambassador Dumisani Kumalo ayaa wuxuu ku sheegay in ay 15-ka xubnood ee joogtada ah ee Golaha Ammaanka ay ka doodeen xaaladda bani’aadannimo ee dalka Soomaaliya ee ka sii dareysa iyo weerarada loo geysanayo ciidamada Midowga Afrika ka socda ee nabad ilaalinta u tegay Soomaaliya.

 

Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Mr. Francois Lonseny Fall oo shir jaraa’id ku qabtay Magaalada New York kulankaas kadib ayaa wuxuu sheegay in xaaladda ammaanka ee magaalada Muqdisho oo aan hagaagsaneyn ay tahay dhibaatada ugu weyn ee hadda Soomaaliya ka jirta.

 

Mr. Fall intii uu warbixinta siinayay Xubnaha Golaha Ammaanka waxaa uu sheegay in ay Muqdisho ka soo gaareen warar sheegaya in madaafiic lagu weeraray Xarunta Madaxtooyada oo fariisin u ah Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed, wuxuuna intaas ku sii daray in weerarkaas uu ku soo beegmay saacado kadib markii uu Baarlamaanka Soomaaliya u codeeyay in ay Madaxtooyada iyo Xukuumadda Federaalka ay Muqdisho ku howlgalaan.

 

Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya waxaa uu ugu baaqay beesha Caalamka in ay dhaqaale ku bixiso Ciidamada Midowga Afrika ee ka howlgelaya Soomaaliya, wuxuuna caddeeyay in Qaramada Midoobay ay horay u taageeri jirtay Dowladda Federaalka oo ay ka saaciday dhinaca tababaridda Ciidamada iyo Booliska.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).