9.6 C
London
Thursday, October 23, 2025

Gaari uu lahaa Ku xigeenka Duqa Magaalada Muqdisho oo la qarxiyay

- Advertisement -spot_imgspot_img

Talaado, March 13, 2007(HOL):   Gaari uu lahaa ku xigeenka Duqa Magaalada Muqdisho ee dhinaca Siyaasadda iyo Ammaanka Ibraahim Cumar Sabriye Shaaweey ayaa maanta duhurtii lagu qarxiyay inta u dhaxeysa Isgoyska Folorenza iyo Maxkamadda Xarar-yaale ee Degmada Wardhiigley.

 

Labo ruux ayaa qaraxaas ku dhimatay, tiro kale oo dad ahna wey ku dhaawacmeen, kadib markii uu qarxay Gaariga oo noociisu ahaa TOYOTA SURF, iyadoo xiliga uu qarxayayna uu ku sii jeeday Xafiiska ku xigeenka Duqa Magaalada Muqdisho oo u dhow Hotelkii Haad-fuul ee Degmada Wardhiigley.

 

Xiriir aan la sameynay ku xigeenka Duqa Magaalada Muqdisho ee dhinaca Siyaasadda iyo Ammaanka Ibraahim Cumar Sabriye Shaawey ayaa waxaa inoo suurtageli weysay in aan helno, iyadoo uu dansanaa Taleefoonkiisa Mobile-ka ah.

 

Hayeeshee warar aan si rasmi ah loo xaqiijin ayaa waxay sheegayaan in uu qaraxan waxyeello u geystay qaar ka mid ah howl-wadeenadii xafiiska Ku xigeenka Duqa Magaalada Muqdisho, kuwaasi loo dhigay Isbitaallada Muqdisho qaarkood.

 

Ma jirto ilaa iyo haatan cid xaqiijin karta waxa qaraxaasi dhaliyay, inkastoo dadka qaarkiis ay sheegayaan in Qaraxa uu ka dhashay miino gaariga Wadada loo geliyay, halka kuwo kalena ay sheegayaan in waxa qarxay lagu tuuray gaariga oo gebi ahaantiis gubtay.

 

Markii uu qaraxaas dhacay kadib ayaa waxaa tegay goobtii uu ku gubanayay gaariga Ciidamo ka socda Dowladda Federaalka, kuwaasi oo dadka rasaas ku kala ceyrinayay, si aysan ugu soo dhawaanin goobta uu gaariga ku gubanayay.

 

Si kastaba arintu ha ahaatee qaraxyada lala beegsado mas’uuliyiinta Dowladda Federaalka ayaa soo kordheysa tan iyo wixii ka dambeeyay markii kolonyo gaadiid ah oo uu la socday Madaxweyne C/llaahi Yuusuf lagu qarxiyay magaalada Baydhabo 18kii September ee sanadkii hore.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).