10 C
London
Thursday, October 23, 2025

Afhayeenka Ciidamada Uganda ee Muqdisho ku sugan oo ugu baaqay Mas’uuliyiinta Maxkamadihii Islaamka in ay Dalka dib ugu soo noqdaan

- Advertisement -spot_imgspot_img


Talaado, March 13, 2007(HOL): Afhayeenka Ciidamada Uganda ee ku sugan Magaalada Muqdisho Captain Paddy Ankunda ayaa ugu baaqay mas’uuliyiinta Maxkamadihii Islaamka in ay dalka Soomaaliya dib ugu soo noqdaan, isla markaana ay ka qeybqaataan soo celinta nabaddii Soomaaliya.

 

Afhayeenka Ciidamada Uganda waxaa uu sheegay in ay Maxkamadihii Islaamka Muqdisho ku leeyihiin taageerayaal badan, sidaas darteedna ay lagala maarmaan tahay in ay ka qeybqaataan wada hadallada lagu raadinayo xalka Soomaaliya.

 

Paddy Ankunda oo u waramayay Wariye Mahad Axmed Cilmi oo ka tirsan Idaacadda iyo TV-ga Horn Afrik ee Magaalada Muqdisho ayaa wuxuu intaas ku daray in ay doonayaan in ay bartaan dadka Soomaaliyeed, wuxuuna caddeeyay in haatan kulamo la leeyihiin qeybaha kala duwan Bulshada ku dhaqan magaalada Muqdisho.

 

Hadalkan uu sii daayay Afhayeenka Ciidamada Uganda ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo mas’uuliyiinta sare ee Dowladda Federaalka ay ku adkeysanayaan in aysan ogeyn meel ay joogaan maxkamado Islaami ah oo ay wada hadal la gasho Dowladda Federaalka.

 

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed ayaa mar uu dhawaan ku baaqayay shir dib u heshiisiineed oo magaalada Muqdisho lagu qabto, waxaa uu sheegay in shirkaas oo ay ka qeybgelayaan ilaa 3000 oo ergay ay isugu imaanayaan Qabaa’illada Soomaalida ee colaaddu dhexmartay, isagoo caddeeyay in shirkan uusan ahayn mid siyaasad looga hadlayo balse uu yahay mid ay Qabaa’illada Soomaaliyeed uga heshiinayaan wixii dhexmaray.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).