10 C
London
Thursday, October 23, 2025

Guddomiyaha Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta oo si KMG ah xilkii looga qaaday

- Advertisement -spot_imgspot_img

Isniin, March 12, 2007(HOL): Shir aan caadi ahayn oo ay Hotelka Muqdisho (EX-Daameey) ay ku yeesheen Xubnaha Guddiga Fulinta Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta iyo Naadiyada Kubadda Cagta ayaa gunaanadkiisi waxaa lagu ansixiyay go’aan ah in  si KMG ah looga qaado Guddoomiyihii Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta Muxyaddiin Xasan Cali (Darbaweyne).

 

19 kooxood oo ka mid ah 25-ka Kooxood ee uu ku dhisan yahay Xiriirka Soomaliyeed ee Kubadda Cagta ayaa si KMG ah Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda ugu doorteen Guddoomiye ku xigeenkii koowaad ee Xiriirka Kubadd Cagta Saciid Maxamuud Nuur (Saciid Muganbe), iyadoo uu xilkaas heyn doono inta laga gaarayo doorashada dambe ee madaxda xiriirka Kubadda Cagta oo ku beegan 2009-ka.

 

Xubnaha Guddiga Fulinta Xiriirka Kubadda Cagta ee shirka isugu yimid ayaa waxay ku eedeeyeen Muxyaddiin Darba weyne in uu ku dhaqmay waxyaabo lid ku ah xeerka u degsan Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta, sidoo kalena uu lacag kala baxay Qasnadda Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta. Xubnaha Guddiga Fulinta ayaa guddoomiyaha waxay ugu baaqeen in uu lacagtaas ku soo celiyo Qasnadda Xiriirka, iyagoo haddii uu ku soo celin waayana sheegay in ay maxkamad la fuuli doonaan.

 

Shirkii Xilka looga qaadayay Guddoomiyihii Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta Muxyaddiin Darba-weyne ayaa waxaa goob joog ka ahaa mas’uuliyiin ka tirsan Guddiga Olombikada Soomaaliyeed iyo Agaasimaha Wasaaradda Isboortga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ninka lagu magacaabo Cusmaan Maxamed Gacal.

 

Muxyaddiin Darba-weyne ayaa xilka Guddoomiyenimada Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta loo doortay Bishii May ee sanadkii hore ee aynu ka soo gudubnay, waxayna xubnihii doortay ay isku dhaceen iyadoo aysan muddo sanad ah ka soo wareegan markii la doortay.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).