9.9 C
London
Thursday, October 23, 2025

Dowladda Federaalka oo sheegtay in ay soo af-jartay wejigii La-dagaalanka Argagixisada, ayna u gudbeyso Wejiga Sugidda Ammaanka

- Advertisement -spot_imgspot_img

Axad, March 11, 2007(HOL): Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta shaaca ka qaaday in ay soo geba-gebeysay wejigii hore ee wax ay ugu yeertay la-dagaalanka argagixisada, isla markaana ay guda-geleyso wejigii labaad ee sugidda Ammaanka Dalka Soomaaliya.

 

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Salaad Cali Jeelle ayaa sheegay in ay Dowladda Federaalka ka guuleysatay oo ay Dalka Soomaaliya ka saartay wax uu ugu yeeray Ururkii Argagixisada, isla markaana haatan waxa u harsan ay yihiin sugidda ammaanka guud ahaan dalka Soomaaliya, gaar ahaana magaalada Muqdisho.

 

Salaad Cali Jeelle oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho waxaa uu intaas ku daray in howlgallada Sugidda nabadgelyada ay iska kaashan doonaan Ciidamada Mileteriga Dowladda Federaalka iyo kuwa Booliska, wuxuuna mahadcelin u jeediyay Ciidamada Madaniga Degmooyinka Gobolka Banaadir, kuwaasi oo uu sheegay in ay iska sifeeyeen oo ay la dagaalameen kooxo madaafiic ka dhex tuuri jiray.

 

Wasiir ku xigeenka Gaashaandhigga Dowladda Federaalka Soomaaliya Salaad Cali Jeelle waxaa uu ugu baaqay Dadka Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa ku dhaqan Magaalada Muqdisho in ay la shaqeeyaan Ciidamada Dowladda Federaalka ee Ammaanka sugaya, waayo ayuu yiri Nabadgelyada oo la sugo waxay dan ugu jirtaa cid kasta oo Muqdisho ku nool oo rabta in ay shaqeysato, ama ay waxbarato.

 

Salaad Cali Jeelle waxaa uu shirkiisan Jaraa’id ku beeniyay in diyaarad Jimcihii ku degeysay Garoonka Diyaaradaha Muqdisho oo waday Ciidamo iyo Qalab Mileteri oo ay leeyihiin Ciidamada Uganda gantaal lagu dhuftay, wuxuuna sheegay in  diyaaraddaas ay cilad farsamo ku timid xiligii ay garoonka  ku degeysay, isagoo caddeeyay in ciladdaas laga sameyn doono diyaaradda marka ay dalka soo gaaraan khubarro ku shaqo leh cilad bixinta Diyaaradaha.

 

Hadalkan uu maanta sii daayay Wasiir ku xigeenka Gaashaandhigga Dowladda Federaalka ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo maalintii shalay ahayd ay magaalada Muqdisho soo gaareen Ciidamo tiro badan oo Soomaali ah, kuwaasi oo soo dhameystay tababar uga socday Xero ku taala Deegaanka Balli-Doogle ee Gobolka Shabeelaha Hoose, iyadoo sidoo kalena uu hadalkiisan ku soo beegmayo iyadoo ay magaalada Muqdisho maalmihii tegay ay soo gaarayeen Ciidamo 1000 Askari ka badan oo Dowladda Uganda ay u soo dirtay Soomaaliya.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).