Sabti, March 10, 2007(HOL): Ciidamada
Afhayeenka Ciidamada Uganda ee ku sugan Magaalada Muqdisho Paddy Ankunda ayaa sheegay in dad dhow halka miinada la geliyay oo u dhow Isgoyska KM4 ay la soo xiriireen, sidaasna ay meesha ku tageen, kadibna ay miinadii ka saareen.
Afhayeenka wuxuu ka codsaday dadka ku dhaqan Magaalada Muqdisho in ay la shaqeeyaan, si ay gutaan waajibkooda ah soo celinta Nabadgelyada Magaalada, wuxuuna caddeeyay in haddii ay dadka wada shaqeyn ka helaan ay wax badan qaban karaan.
Ciidamada
Ka sii horna maalintii ugu horeysay ee ay Ciidamada
Magaalada Muqdisho ayaa tan iyo wixii ka dambeeyay markii ay isaga baxeen xoogaggii iyo Mas’uuliyiintii Maxkamadihii Islaamka waa uu xaalkeeda noqday mid aan caadi ahayn, waxaana ka dhaca weerarro loo adeegsanayo waxyaabaha qarxa oo lala beegsanayo fariisimada Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa kale ka socda Dowladaha Itoobiya iyo Uganda, iyadoo sidoo kale ay sii dheer yihiin dilal loo geysanayo Saraakiisha iyo Askarta ka tirsan Ciidamada Dowladda Federaalka.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online






