Sabti, March 10, 2007(HOL): Roob lagu qaboobsaday ayaa shalay gelinkii dambe waxaa uu ka da’ay Magaalada Baydhabo ee
Roobkan oo muddo saacado ah ka da’ayay Magaalada Baydhabo ayay dadku si weyn ugu qabowsadeen, iyadoo dadku ay markii hore ka cabanayeen kuleylka qoraxda oo aad u darnaa maalmihii aynu ka soo gudubnay.
Sidoo kale Roobkan waxaa si weyn ugu farxay Dadka Beeraleyda iyo Xoolo-dhaqatada ah ee ku sugan gobolka Bay, kuwaasi oo iyagu manaafacaadsada waxa ay ka helaan Beeraha ay tacbadaan iyo Xoolaha ay dhaqdaan oo labaduna uu waxtarkooda ku xiran yahay roob ay helaan.
Gobollada kale ee dalka Soomaaliya ayay dadka ku dhaqan iyaguna dhowrayaan curashada Roobka Guga. Magaalada Muqdisho oo kale waxaa xalay ilaa saakay dul hoganaya daruuro madow oo saadaalinaya roob, inkastoo maalmihii iyo habeenadii tegay ay dadku ka cabanayeen kuleyl aad u daran, kaasi oo dadka qaarkiis ku qasbay in ay habeenkii guryaha ka soo baxaan, isla markaana ay daaradda guriga jiifsadaan, si ay u helaan hawo u saamaxda in ay hurdaan.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online