9.9 C
London
Thursday, October 23, 2025

Jen. Galaal oo sheegay in ay Goof lagu kala guuray noqoneyso Magaalada Muqdisho haddii aan la iska qaban kooxaha Qaraxyada sameeya

- Advertisement -spot_imgspot_img

Sabti, March 10, 2007(HOL): Jen. Maxamed Nuur Galaal oo ka mid ah Saraakiisha Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa ka hadlay qaraxyada maalmahan ka dhacaya Magaalada Muqdisho, wuxuuna si kulul u cambaareeyay kooxaha ka dambeeya.

 

Jen. Galaal waxaa uu sheegay in waxyeellada ka dhalata qaraxyada ay 90% ku dhacdo dadka rayidka ah ee aan waxba galabsan, wuxuuna intaas ku daray in dadka marka ay qaraxyada ka cararaan oo ay magaalada banaankeeda u baxaan ay hadana mar kale halis u galaan bahallo cuna iyo burcad dhac u geysata.

 

Jananka waxaa uu ugu baaqay dadka Muqdisho in ay ka hortagaan kooxaha ka dambeeya qaraxyada oo uu sheegay in ay isugu jiraan Soomaali iyo Ajnabi, wuxuuna carrabka ku dhuftay in haddii aan laga hortegin ay Muqdisho noqon doonto Goof laga kala cararay.

 

Jen. Maxamed Nuur Galaal waxaa uu si weyn uga soo horjeedaa in shacabka madaafiic laga dhex tuuro, kadibna madaafiicda ay Dowladda ku soo jawaabto ay waxyeello ka soo gaarto dad aan waxba galabsan oo guryahooda iska hurda, wuxuuna dhowr jeer ku baaqay in la joojiyo weerarrada ay dadka rayidka ah dhibaatada ka soo gaareyso.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).