9.9 C
London
Thursday, October 23, 2025

Dowladda Eretereya oo ugu baaqday Dowladda Uganda in ay Ciidamadeeda kala baxdo Soomaaliya

- Advertisement -spot_imgspot_img

Sabti, March 10, 2007(HOL): Dowladda Eretereya ayaa ugu baaqday Dowladda Uganda in ay Ciidamadeeda kala baxdo dalka Soomaaliya, haddii ay kala bixi weysana waxay sheegtay in ay cawaaqib xumo kala kulmi doonto Soomaalida.

 

Wasiirka Warfaafinta Eretereya Ninka lagu magacaabo Ali Abdu ayaa sheegay in ay rumeysan yihiin in ay tahay in ay Dowladda Uganda qaladaadkeeda saxdo, isla markaana ay ciidamadeeda kala baxdo Soomaaliya, haddii ay sidaasi yeeli weysana wuxuu sheegay in ay imaan doonto khatar sii kororta oo xaaladda Soomaaliya uga sii darta.

 

“Kaliya xaaladda kama sii dari doonto balse waxaa dhici doona dagaal dhexmara Soomaalida iyo Ciidamada Dibadda uga yimid, wuxuuna dagaalkaas noqon doonaa mid saameyn ku yeesha Gobolka oo dhan”ayuu yiri Ali Abdu, Wasiirka Warfaafinta Eretereya.

 

Hayeeshee Midowga Afrika wuxuu wacad ku maray in uu sii wadi doono Ciidamada uu u dirayo Soomaaliya, isagoo dhinac iska dhigay hanjabaado uga imaanayay Hoggaamiye ka tirsanaa Maxkamadihii Islaamka, kaasi oo ku hanjabay in ay Xoogagga Islaamiyiinta la dagaalami doonaan Ciidamada uu Midowga Afrika ku daad-gureynayo Soomaaliya.

 

Dowladda Eretereya ayaa horay loogu eedeeyay in ay gacan siin jirtay maxkamadihii Islaamka ee dabayaaqadii sanadkii hore laga saaray deegaanadii ay ka talinayeen ee Koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya kadib markii uu dagaal dhexmaray Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Dowladda Itoobiya oo gacan siinayay, inkastoo ay dowladda Eretereya dhowr jeer beenisay eedeyntaas loo jeediyay.

 

Midowga Afrika ayaa wuxuu  geeyay Magaalada Muqdisho ciidamo kor u dhaafaya 1000 Askari oo ka socda Dowladda Uganda, kuwaasi oo qeyb ka ah 1,500  Askari oo ay Dowladda Uganda uga qeyb-qaadaneyso howlgallada nabad-sugidda Soomaaliya.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis) Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).