Sabti, March 10, 2007(HOL): Hal ruux ayaa geeriyooday mid kalena waa uu dhaawacmay kadib markii ay ku qarxeen waxyaabo qarxa oo la soo dhinac dhigay, xili ay ku sugnaayeen goob lagu fiidsado oo ku taala nawaaxiga Warshaddii Baastada ee Magaalada Muqdisho.
Qaraxan oo dhacay xalay abaara 7dii iyo qadar 15 daqiiqo ah ayaa waxaa si weyn looga maqlay xaafado dhowr ah oo magaalada Muqdisho ku yaala, wuxuuna qaraxaasi si weyn u cabsi geliyay dadka ku dhaqan xaafadaha ku dhow Warshaddii Baastada.
Dadka Muqdisho ku dhaqan sidii ay goob joog ugu ahaayeen ama loogu soo tebinayay qaraxyo ay dad wax ku noqdeen ayaa waxay noqdeen kuwo ku nool xaalad argagax ah, waxaana waddooyinka Muqdisho qaarkood ku arkeysaa dad kala cararaya, iyadoo marka aad u kuur-gasho waxyaabaha ay dadkaasi ka cararayaana ay kuu soo baxeyso natiijo ah in waxa qarxay ay ahaayeen Lug Baabuur.
Dhanka kalena, saakay aroortii ayaa dagaal wuxuu ku dhexmaray inta u dhaxeysa Waxar-Cadde iyo Tuug-Bidaar leh Maleeshiyooyin Isbaarooley ah, iyadoo maleeshiyooyinkaasna ay isku heysteen gacan ku heynta Isbaaro gaadiidka Carrada iyo Dhagaxa daabula looga qaado lacag baad ah.
Inkastoo aan la soo sheegin wax khasaare ah oo dagaalkaas ka dhashay hadana rasaasta ay isku ridayeen maleeshiyooyinkan isbaarooleyda ah ayaa waxay si weyn u cabsi gelisay dadka ku dhaqan Deegaanada Waxar Cadde iyo Gubadley oo iyagu dushooda ay marayeen rasaasta ay labadaas maleeshiyo isku ridayeen.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online