Khamiis, March 01, 2007(HOL): Kooxo hubeysan oo aan heybtooda la garan ayaa saakay subaxnimadii waxay weerar ku qaadeen guriga Maareeyaha Dekedda Muqdisho Cabdi Jiinow Calasow oo ku yaala Xaafadda Ceel Tubba-weyne ee Degmada Yaaqshiid, wuxuuna weerarkaas sababay dhimasho iyo dhaawac.
Seddex ruux oo labo mid ah ay yihiin maleeshiyooyinkii rasaasta is-weydaarsanayay ayaa geeriyooday, waxaana ku dhaawacmay gabar yar oo Jallaato ku iibineysay meel u dheereyn Guriga Maareeyaha. Dadka dhintay waxaa ka mid ah nin dan ka lahaa Maareeyaha, kaasi oo markii ay is-rasaaseynta bilaabaneysay garaacay Guriga Maareeyaha.
Ilaa iyo haatan wax war ah kama soo bixin Maareeyaha, kaasi oo ku saabsan in la aqoonsaday kooxihii soo weeraray, inkastoo uu sheegay in qaban doono shir jaraa’id oo uu ku faah faahinayo weerarkii lagu soo qaaday. Markii weerarkaas dhacay kadib ayaa waxaa guriga Maareeyaha tegay Ciidamo ka socday Dowladda Federaalka, kuwaasi oo baarayay gaadiidka iyo dadka isticmaala wadada hormarta guriga Maareeyaha.
Weerarka maanta lagu qaaday Guriga Maareeyaha Dekedda weyn ee Muqdisho ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo maalmahan ay Magaalada Muqdisho ka dhacayeen dilal iyo weerarro qorsheysan oo lala beegsanayay dadka la shaqeeya iyo kuwa la tuhunsan yahay in ay la shaqeeyaan Dowladda Federaalka.
Dhanka kalena, waxaa maanta isku day qarax lala damacsanaa ka badbaaday Taliyaha Guutada labaad ee Ciidamada Dowladda Federaalka Col. Ibraahim Cabdi Aadan, kaasi oo isagoo ku sugan nawaaxiga Isgoyska KM4 la soo dhinac dhigay gaari gacan ay dusha ka saaran yihiin Qare iyo Moos balse hoosta looga soo qariyay waxyaabo qarxa. Dad ku sugnaa nawaaxiga KM4 xiligii uu dhacayay qaraxa ayaa waxay sheegeen in aysan qaraxaasi wax dhibaato ah ka soo gaarin Taliyaha iyo Ciidamo la socday oo saarnaa Gaari Tikniko ah.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia