12.3 C
London
Tuesday, October 21, 2025

Saraakiil ka socda Dowladda Uganda oo Baydhabo gaaray

- Advertisement -spot_imgspot_img

Khamiis, March 01, 2007(HOL): Wararka naga soo gaaraya Magaalada Baydhabo ee Gobolka Bay ayaa sheegaya in ay maanta halkaas gaareen Saraakiil ka socda Dowladda Uganda, kuwaasi oo la socday diyaarad weyn oo Mileteri. Ammaanka Garoonka Diyaaradaha Baydhabo oo ay Saraakiishan ka degeen ayaa aad loo adkeeyay, waxaana loo diiday dadweynaha iyo saxafiyiintaba in ay ka ag-dhawaadaan.

Saraakiishan oo dhowr iyo sodon Sarkaal ahaa ayaa la sheegay in ay hordhac u yihiin Ciidamo ka socda Dowladda Uganda oo 24-ka saac ee socda gaari doona dalka Soomaaliya, kuwaasi oo haatanba diyaargarowgii ugu dambeeyay ku jira. Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni ayaa dhawaan sheegay in ay diyaar yihiin Ciidamada ay Dowladdiisa u direyso Soomaaliya, inkastoo uu ka gaabsaday xiliga ay ku beegan yihiin Dalka Soomaaliya.

Madaxweynaha Uganda wuxuu sheegay in ay Ciidamada Uganda is-difaacayaan haddii la soo weeraro, wuxuuna caddeeyay in aysan arrintaas wax baqdin ah ka qabin. Mar wax laga weydiiyay cidda dhaqaalaha ku bixineysa howlgallada Ciidamada Uganda ee dalka Soomaaliya ka howlgelaya wuxuu sheegay in ay arrintaas ka kaalmeyneyso Dowladda Mareykanka, wuxuuna beeniyay warar horay u soo baxay oo sheegayay in ay Dowladda Mareykanka dooneyso in ay Uganda ka dhigato Boolis uga adeega Gobolka.

Laakin Haween badan oo ay qabaan Askarta Uganda ee Soomaaliya loo soo dirayo ayaa waxay walaac ka muujinayaan sida uu xaalkooda noqon doono ragga ay u dhaxaan marka ay tagaan dalka Soomaaliya, wuxuuna haweenkan oo booqday xerooyin lagu diyaarinayo ciidamadan uu wel-welkooda isugu jiraa noloshooda iyo tan raggooda.

Warkan oo ay shaacisay Jariidada New Vision ee ka soo baxda magaalada Kampala ee dalka Uganda ayaa wuxuu intaas ku darayaa in Xaasaska ay qabaan Ciidamada loo soo dirayo Soomaaliya ay badankood ka welwelayaan cidda noloshooda dabareysa inta ay howlgalka ku maqan yihiin, iyadoo wel welkaasna uu sare u sii kacay markii ragga ay haweenkaas u dhaxaan ay u sheegeen in aysan ogeyn lacagta ay ku heli doonaan howlgalka ay u tegayaan Soomaaliya iyo weliba waxa ay helayaan Qoysaskooda.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).