Khamiis, March 01, 2007(HOL): Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed oo maanta khudbad u jeedinayay XIldhibaanada Baarlamaanka Soomaaliyeed oo kulan ku yeeshay Magaalada Baydhabo ayaa wuxuu ku dhawaaqay goorta la qabanayo shirka dib u heshiisiinta Soomaaliyeed ee ay horay u iclaamisay Dowladda Federaalka.
Madaxweynaha waxaa uu sheegay in ay soo dhamaatay qabanqaabadii loogu jiray qabashada shirkaas, wuxuuna caddeeyay in shirkaas la qaban doono 16-ka Bisha April ee soo socota, iyadoo ay ka qeybgeli doonaan dhamaan qeybaha kala duwan ee Soomaalida oo ka kala imaanaya Dhamaan Gobollada Dalka Soomaaliya iyo weliba dibaddiisa.
Madaxweyne Yuusuf waxaa uu intaas ku daray in shirkaas oo ay ka qeybgelayaan ilaa 3000 oo ergay ay hoggaamin doonaan Dad xurmo ku dhex leh dadka Soomaaliyeed, wuxuuna carrabka ku dhuftay in ay Dowladda Federaalka gacan ka geysan doonto fududeynta shirka iyo weliba sidii ay miro uga soo bixi lahaayeen.
Madaxweyne C/llaahi Yuusuf oo sheegay in shirkaas uu socon doono muddo labo bilood ah wuxuuna ka codsaday dadka Soomaaliyeed in ay tixgelin iyo muhiimad gaar ah siiyaan miraha ka soo baxa shirkaas oo lagu soo af-jarayo dhibaatooyinkii Shacabka Soomaaliyeed kala gaaray mudadii dhowr iyo tobanka sano ahayd ee uu dalka Soomaaliya Dowlad la’aanta ahaa.
Madaxweynaha ayaa gunaanadkii khudbaddiisa waxaa uu ugu sheegay Xildhibaanada Baarlamaanka in uu socdaal kale ugu amba baxayo dalka dibaddiisa, kaasi oo uu sheegay in uu dhaqsi ka soo laaban doono, wuxuuna XIldhibaanada Baarlamaanka ka codsaday in ay si adag u sii shaqeeyaan.
Dhanka kalena, Ra’iisal Wasaare Cali Maxamed Geedi oo isna khudbad u jeediyay Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa ka warbixiyay socdaallo uu ku soo kala bixiyay Dalalka Faransiiska iyo Imaaraadka Carabta, wuxuuna sheegay in uu dalka Faransiiska uga qeybgalay shir ay lahaayeen Madaxda Dowladda Faransiiska iyo Dalalka Afrika, sidoo kalena uu Magaalada Dubai uu kula soo kulmay madax ka tirsan Dowladda Isu Tagga Imaaraadka Carabta.
Ra’iisal Wasaare Geedi waxaa uu sheegay in Dowladda Isu Tagga Imaaraadka Carabta ay ugu deeqday Dowladda Federaalka Soomaaliya lacag dhan 3 Milyan oo Doollar, taasi oo lagu siin doono Raashin, Shidaal iyo Gaadiid, isagoo intaas ku daray in ay Dowladda Imaaraadka u caddeysay in taageero diyaar ula Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia