Khamiis, March 01, 2007(HOL): Midowga Afrika ayaa taageero dhaqaale oo deg deg ah waxaa uu ka codsaday deeq bixiyayaasha Caalamka, si ay u sahlanaato in 8,000 oo Ciidamo Afrikaan ah loo diro Soomaaliya.
Midowga Afrika ayaa wuxuu doonayaa in Ciidamada ka socda ay muddo lix bilood ah ka howlgalaan dalka Soomaaliya, kadibna ay xilka ku wareejiyaan Ciidamo ka socda Qaramada Midoobay, hayeeshee ilaa iyo haatan ma helin dhaqaale uu ka sugayo Midowga Yurub iyo Dowladda Mareykanka oo iyagu horay u sameeyay ballanqaadyo dhaqaale.
Sarkaal u hadlay Midowga Afrika oo lagu magacaabo Bering Mtimkulu ayaa u sheegay Wakaaladda Wararka Reuters in ay beesha Caalamka ka dhowrayaan dhaqaalihii ay Ciidamada Afrika ku geyn lahaayeen Soomaaliya, isagoo caddeeyay in uu waqtigana aad isu gurayo.
Ilaa iyo haatan waxaa Ciidamada ka imaanaya Midowga Afrika ee Soomaaliya loo soo dirayo laga hayaa 1.500 Askari oo ay ku yaboohday Dowladda Uganda, kuwaasi oo la filayo in ay saacadaha soo socda soo gaaraan Dalka Soomaaliya, walow ballanqaadyo laga hayo Dalalka Nigeria, Ghana, Burundi iyo Malawi.
Caasimadda Dalka Soomaaliya ee Muqdisho oo loo soo wado Ciidamada Midowga Afrika ka imaanaya ayaa waxaa ka dhaca weerarro lala beegsanayo fariisimo ay ku sugan yihiin Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Itoobiyaanka ah ee gacanta siinaya, iyadoo weeraradaasina ay geysanayaan kooxo ka soo horjeeda joogitaanka Ciidamada Itoobiya ee dalka Soomaaliya.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online