Khamiis, March 01, 2007(HOL): Afhayeenka Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed ninka lagu magacaabo Xuseen Maxamuud Maxamed (Xuub Sireed) ayaa sheegay in ay saxaafadda si qaldan u fasirtay hadal uu dhawaan madaxweyne C/llaahi Yuusuf siiyay Idaacadda BBC-da, kaasi oo ahaa in Madaxweynaha uu Ra’iisal Wasaare ku xigeenka, ahna Wasiirka Howlaha Guud iyo Guriyeynta Inj. Xuseen Maxamed Caydiid ku tilmaamay nin aan caadi ahayn.
Afhayeenka Madaxweynaha waxaa uu sheegay in madaxweynaha uusan Xuseen Caydiid ku tilmaamay nin aan caadi ahayn balse ujeedkiisa uu ahaa in uusan caadi ahayn hadalka uu Xuseen Caydiid sheegay, kaasi oo ahaa in ay isku darsamayaan Dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya, isla markaana ay hal Baasaboor yeelanayaan.
Xuseen Xuub-Sireed waxaa uu sheegay in hadalka uu mergi oo kale uu yahay, isla markaana loo jiidi karo meeshii la doono, wuxuuna caddeeyay in Xuseen Caydiid uu yahay nin caadi ah oo Ra’iisal Wasaare ku xigeen iyo Wasiir ka ah Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.
Hadalka uu sii daayay Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed ayaa wuxuu guux ka dhex dhaliyay dadka Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa ku dhaqan Magaalada Muqdisho oo ah meel ay ku badan yihiin Taageerayaasha Xuseen Caydiid, waana taas sababta keentay in uu af-hayeenka Madaxweynaha uu sharaxaad ka bixiyo hadalkii Madaxweyne C/llaahi Yuusuf uu
Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed mar uu ka hadlayay in ay Itoobiya iyo Soomaaliya isku darsami karaan waxaa uu sheegay in aysan haatan sheekadaas meeshaba oolin, isla markaana Soomaaliya iyo Itoobiya uu haatan ka dhaxeeyo xiriir saaxibtinimo, wixii horay u dhexmaray labada dalna la iska iloobay, isagoo intaas ku daray in uu Itoobiya la dagaalay labo jeer isagoo askari ah, hayeeshee taariikhdaas laga soo gudbay.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online