Khamiis, March 01, 2007(HOL): Xubnaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa kulan ay maanta ku yeelanayaan Xarunta ADC-da ee Magaalada Baydhabo, waxay uga doodayaan sharciga la-dagaalanka argagixisada.
Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa horay loogu qeybiyay nuqullada sharciga laga soo saaray la-dagaalanka argagixisada si ay uga soo baaraan-degaan, maanta ayaana lagu wadaa in ay Xildhibaanadu dood ka yeeshaan, isla markaana ay ansixiyaan ama ay diidaan.
Qodobada ku xusan sharcigan ayaa waxaa ka mid ah in aan la sameyn karin uruu salka la gelayo argagixisada, in ciddii lagu helo in ay xiriir la leedahay argagixisada ay muteysaneyso ciqaab isugu jirta xabsi, xabsi daa’in iyo dil toogasho ah, iyadoo qofkii lagu helo in ay agaasimeyso falal is-miidaamin ah ama gurigeeda la helo waxyaabaha qarxa la tooganayo.
Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed iyo Ra’iisal Wasaare Cali Maxamed Geedi oo dhawaan socdaallo ku soo kala bixiyay dalal ka tirsan Qaaradaha Yurub iyo Afrika ayaa maanta goob-joog ka noqonaya Doodda ay Xildhibaanada Baarlamaanka ka yeelanayaan sharciga la-dagaalanka argagixisada.
Si kastaba arrintu ha ahaatee, Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa dooddooda maanta waxay ku soo beegmeysaa iyadoo ay dhawaan ansixiyeen sharciga ay ku shaqeyneyso Hay’adda Nabad-sugidda Qaranka oo u xilsaaran adkeynta nabadgelyada Qaranka.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online