13.9 C
London
Friday, November 7, 2025

Ergay sare oo ka socda UN-ka oo maanta Muqdisho booqday

- Advertisement -spot_imgspot_img

Jimco, June 08, 2007(HOL): Kaaliyaha Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee Arrimaha Siyaasadda Mr. Lynn Pascoe iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta booqasho ku tegay caasimadda Dalka Soomaaliya ee Muqdisho.

Ergaygan oo uu socdaalka ku wehlinayay Wakiilka Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Danjire Francois Lonseny Fall ayaa markii uu gaaray magaalada Muqdisho waxaa uu kulamo kula qaatay Xarunta Villa Somalia Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed, Ra’iisal Wasaare Cali Maxamed Geedi iyo Gudoomiyaha Shirka Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed Cali Mahdi Maxamed.

Afhayeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdi Xaaji Goob-doon oo kulanka mas’uuliyiintaas saxaafadda uga warbixiyay ayaa sheegay in ay madaxda Dowladda iyo Ergayga Qaramada Midoobay ka socday ay ka wada hadleen qodobo ay ka mid ahaayeen Shirka Dib u heshiisiinta, Ammaanka, Gargaarka Bani’aadannimada iyo Dowlad Wanaaga, wuxuuna xusay in qodobadaas si wanaagsan looga hadlay, la iskuna af-gartay.

Cabdi Xaaji Goob-doon waxaa uu ku nuuxnuuxsaday in Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed uu sheegay intii uu kulanka socday in qabanqaabada loogu jiro shirka dib u heshiisiinta Soomaaliyeed ay meel wanaagsan mareyso, isla markaana casuumaad loo diray ergooyinkii shirkaas ka qeybgeli lahaa, kuwaasi oo ka imaan doona Gobollada Dalka Soomaaliya.

Sidoo kalena, Ra’iisal Wasaare Cali Maxamed Geedi oo isna kulankaas ka hadlay ayaa waxaa uu sheegay in ammaanka Dalka Soomaaliya uu haatan ka wanaagsan yahay sidii uu ahaa, isla markaana haatan ay jiraan fursado loogu gurman karo dadka u baahan gargaarka ee ku sugan Magaalada Muqdisho iyo gobollada kale ee Dalka Soomaaliya, wuxuuna sidoo kale caddeeyay in hay’adaha nabadgelyada Dowladda Federaalka ay ku guuleysteen in ay wax ka qabtaan kooxo falal nabadgelyo darro ah ka waday magaalada Muqdisho.

Ergayga ka socday Qaramada Midoobay oo Magaalada London ku soo arkay Kooxda Caalamiga ah ee Xiriirka Soomaalida ayaa wuxuu ka ballanqaaday madaxda Dowladda Federaalka ee uu la kulmay in uu warbixintooda u gudbin doono Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay oo arrimaha Soomaaliya shir ka yeelan doona. Wafdigan ka socday UN-ka oo waqti gaaban joogay Magaalada Muqdisho ayaa dib ugu laabtay magaalada Nairobi oo ay markii hore ka soo duuleen.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).