Khamiis, June 07, 2007(HOL): Wasiirka Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Abshir Faarax ayaa shaaca ka qaaday in shir uu la yeeshay Ganacsatada Muqdisho ay ka soo baxeen go’aanno lagula dagaalamayo Kooxaha Burcad Badeedka ah ee Maraakiibta iyo Doomaha ku af-duubta Xeebaha Soomaaliya.
Xasan Abshir oo u waramayay Idaacadda Codka Nabadda ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in ay ganacsatada isku af-garteen in ay bixiyaan kharash lagu soo iibiyo Doomo dheereeya oo lagula dagaalamo Kooxaha Burcad Badeedka ah oo iyaga qudhooda heysta Doomo dheereeya iyo qalab kale oo ay wax ku qafaashaan.
Wasiirka waxaa uu intaas ku daray in aysan Kooxahan Burcad Badeedka ah kala sooceynin Maraakiibta iyo Doomaha Xaalufinta ku haya Kheyraadka ku jira Badda Soomaaliya iyo kuwa Badeecooyinka iyo Mucaawinada u sida Dadka Soomaaliyeed, sidaas darteedna waxaa uu carrabka ku dhuftay in ay lagama maarmaan tahay in kooxahaas lala dagaalamo.
Safiirka Dowladda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Dalka Kenya Maxamed Cali Ameerika ayaa horay uga codsaday Beesha Caalamka in ay Dowladda Federaalka ku gacan siiso sidii ay ula dagaalami lahayd kooxaha Burcad Badeedka ah ee ka dilaacay Xeebaha Soomaaliya, ilaa iyo haatanna ma jirto jawaab loo helay codsigaas.
Markab Dagaal oo uu Mareykanka leeyahay ayaa dhawaan wuxuu ku rasaaseeyay Xeebaha Soomaaliya Kooxo Burcad Badeed ah oo ku sugan Xeebaha Soomaaliya, kuwaasi oo la rumeysan yahay in ay af-duubteen Markab laga leeyahay Dalka Denmark oo ku sii jeeday Dekedda Mombasa ee Dalka Kenya.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia






