Khamiis, June 07, 2007(HOL): Guddiga Qaban-qaabinaya Shirka Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed ee 14-ka bishan lagu qaban doono Magaalada Muqdisho ayaa ergooyin u kala diray Gobollada Dalka Soomaaliya, si ay warqadaha Casuumaadda Shirka u gaarsiiyaan Duubabka Beelaha Soomaaliyeed oo iyagu laga rabo in ay soo xulaan Xubnaha Shirka u metelaya.
Koox ka kooban 28 ruux oo loo sii kala qeybiyay 7 kooxood ayaa loo kala diray Gobollada Soomaaliya, waxayna kuwii ugu horeeyay gaareen Gobolka Shabeelaha Dhexe iyo Gobolka Bay, halkaasi oo ay kulamo kula leeyihiin Odayaasha iyo Duubabka Dhaqanka Beelaha Gobolladaas ku dhaqan.
Shirka Dib u heshiisiinta ah ee dhawaan lagu qaban doono Magaalada Muqdisho ayaa waxaa loo hayaa 8.5 Milyan oo Doollar oo ay bixiyeen Dalalka Deeqaha bixiya, waxaana lacagtaas loogu talagalay in lagu soo daad-gureeyo Ergooyinka Shirka ka qeyb-gelaya, sidoo kalena lagu dayactiro halka shirka lagu qabanayo oo ah Xaruntii Gaadiidka Booliska Soomaaliyeed.
Haddaba su’aasha la is-weydiin karo ayaa waxay tahay shirka maku qabsoomi karaa waqtiga loo qabtay oo todobaad kaliya ay ka harsan tahay?. Inkastoo uu Guddoomiyaha Guddiga Qaban-qaabada Shirka Dib-u-heshiisiinta Cali Mahdi Maxamed uu sheegay in shirka la qaban doono xiligii loogu talagalay, hadana waxay dad badani sheegayaan in ay dhici karto in mar kale shirka dib loo dhigo sabab la xiriirta in weli la dayactirayo halkii shirka lagu qaban lahaa iyo in aan weli la soo wada helin ergooyinka shirka ka qeyb-gelaya oo laga keenayo gobollada dalka Soomaaliya.
Shirka Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed oo ah mid ay ku baaqday Dowladda Federaalka Soomaaliya ayay ahayd in la qabto 16-kii April ee aynu ka soo gudubnay, waxaana dib u dhigistaas keentay iyadoo ay Muqdisho ka socdeen Dagaallo, isla markaana aanan la helin dhaqaalihii shirka lagu socodsiin lahaa.
Si kastaba arrintu ha ahaatee, Xubno la baxay Baarlamaanka Xorta ah ee Soomaaliya oo ku sugan Magaalada Asmara ee Dalka Eritrea iyo Madaxda Maxkamadihii Islaamka ayaa sheegay in aaney xiligan suurtagal ahayn in shir dib u heshiisiineed lagu qabto Magaalada Muqdisho, waxayna taasi sabab uga dhigeen in uu Dalka Soomaaliya gumeysi ku jiro, isla markaana ay Soomaaliya ku sugan yihiin Ciidamo Itoobiyaan ah.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia






