13.9 C
London
Friday, November 7, 2025

Qaar ka mid ah Idaacadaha Muqdisho oo Albaabada loo laabay

- Advertisement -spot_imgspot_img

Arbaco, June 06, 2007(HOL): Idaacadaha Horn Afrik, Shabeelle iyo IQK ayaa wareegto ka soo baxday Dowladda Federaalka Soomaaliya shaqada looga joojiyay, iyadoo markii ugu horeysay ay Hawada ka baxeen Idaacadaha Horn Afrik iyo IQK, halka Idaacadda Shabeelle oo Idaacadahaas hawada uga dambeysay iyadana ay ugu dambeyntii hawada ka baxday.

Sababta ay Dowladda Federaalka Idaacadahaas u aamusisay ayaa lagu sheegay in ay Idaacadaha ku sifoobeen colaad abuur iyo in ay la shaqeeyaan dadka nabadgelyo darrada ka wada magaala Muqdisho, sidaas darteedna waxaa madaxda Idaacadahaas la faray in ay u hogaansamaan amar lagu soo rogay.

Waa markii labaad oo Idaacadahan uu dhinaca Dowladda Federaalka uga yimaado amar ah in ay shaqada joojiyaan, waxaana horay u xirtay Waaxda Nabad-sugidda Dowladda Federaalka Soomaaliya, walow wada hadal dhexmaray Mas’uuliyiinta Idaacadahan iyo kuwa Waaxda Nabad-sugidda ay ku suurtagashay in ay Idaacadahaas dib shaqadooda u bilaabaan.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ku yaala ilaa 10 Idaacadood oo FM ah, kuwaasi oo kala ah Horn Afrik, Shabelle, Banaadir, Capital Voice, Simba, IQK, Somaliweyn, Codka Nabadda, VOD iyo Radio Mogadishu oo ku hadla afka Dowladda Federaalka Soomaaliya, waxayna Idaacadahan dhamaantood yihiin kuwo FM ah.

Si kastaba Arrintu ha ahaatee, Shaqo joojinta lagu sameeyay Idaacadahan ayaa waxay ku soo beegmeysaa iyadoo Magaalada Muqdisho ay ka socdaan howlgallo nabad-sugid ah oo ay Ciidamada Booliska Dowladda Federaalka iyo kuwa Itoobiya sameynayaan.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).