Arbaco, June 06, 2007(HOL): Dowladdda Federaalka Soomaaliya ayaa Maamulka Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelaha Hoose u magacawday Mas’uuliyiin cusub, kadib markii ay is-qabqabsi ka bixi waayeen mas’uuliyiintii horay loogu magacaabay Degmadaas.
Xaflad ka dhacday Degmada Afgooye oo lagu soo bandhigayay mas’uuliyiinta cusub ee maamulka Degmada Afgooye ayaa waxaa ka qeybgalay Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha Maxamuud Sayid Aadan, kaasi oo sheegay in ay Dowladda Federaalka mas’uuliyiin cusub u soo magacawday Maamulka Degmada Afgooye.
Wasiiru-Dowlaha waxaa uus heegay in Wasaaradda Arrimaha Gudaha ay soo jeedisay in maamulka Degmada Afgooye loo magacaabo mas’uuliyiin cusub kadib khilaaf soo kala dhexgalay xubnihii horay Maamulka Degmada loogu magacaabay, wuxuuna carrabka ku adkeeyay in soo jeedintaas uu aqbalay Ra’iisal Wasaare Cali Maxamed Geedi.
Maxamuud Sayid Aadan waxaa uu sheegay in Guddoomiyaha Maamulka Degmada Afgooye loo magacaabay Maxamed Cumar Maadeey, halka ku xigeenkiisana laga dhigay Xasan Macallin, isagoo intaasna ku daray in iyana la magacaabay Madaxda Talisyada Nabad-sugidda iyo Booliska Degmada.
Ugu dambeyntiina, Dadka Degmada Afgooye ayuu Wasiiru-Dowlaha ugu baaqay in ay la shaqeeyaan Mas’uuliyiinta cusub ee loo magacaabay Maamulka Degmada Afgooye, isagoo sheegay in Dowladda Dhexe-na ay intii karaankeeda ah ku caawin doonto Maamulka Degmada.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia






